Waraa why you cutting ties with Mahiga and UNPOS? how will you survive financially? finally, are you boycotting Meles too?
Ahlusunna Waljamaaca oo sheegtay inay jareen xiriirkii kala dhexeeyay xafiiska UNPOS iyo Danjire Mahiga
Arbaco, September 07, 2011 (HOL) - War-saxaafadeed kasoo baxay maanta ururka Ahlusunna Waljamaaca ayay ku sheegay inay jareen xiriirkii kala dhexeeyay xafiiska siyaasadda Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) iyo midkii kala dhexeeyay danjire Agusutine P. Mahiga.
Qoraalka kasoo baxay Ahlusunna ayaa lagu sheegay inay u arkeen danjire Mahiga inuu ka shaqeynayo baabi'inta iyo kala qaybinta Ahlusunna Waljamaaca. Waxaana qoraalkan oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha golaha fulinta Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow laga soo saaray shir uu ururku ku yeesheen gobolka Galguduud.
"Waxaan la shaqeynaynaa dhammaan bulshada caalamka ee dadaalka ugu jirta ka miro-dhalinta arrimaha Soomaaliya sida: Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, Muslim League, Jaamacadda Carabta iyo dowladaha aan saaxiibka nahay,": ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Ahlusunna.
Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in Ahlusunna ay la shaqeyn doonto hay'adaha samofalka ee caalamiga ah iyo kuwa dowliga ah oo ay ugu horreeyaan hay'adaha Qarammada Midoobay.
War-saxaafadeedka Ahlusunna ayay ku sheegeen in shirar badan oo ka dhacay dalka dibaddiisa, sida Kenya iyo Uganda aan si toos ah loogu casuumin, balse laga qaybgeliyay dad aan matalin ururka. Shirkii Muqdishana uu xogyaha guud ka qayb-geliyay xubno uu sheegay inay matalayaan Ahlusunna.
Go'aanka kasoo baxay Ahlusunna ayaa kusoo beegmaya xilli kulan ay dorraad ku yeesheen golayaasha ururka ay ku sheegay inay ku qaadaceen shirka wadatashiga ee lagu soo gabgabeeyay Muqdisho Talaadadii shalay, iyagoo ku tilmaamay shirkaas mid aanay dani ugu jirin Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya