Boosaaso (RBC) Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland ayaa maanta si kulul uga hadlay booqashada madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] uu ku yimid magaalooyin ka mid ah gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabayl ayaa sheegay in maamulka uusan u dulqaadan doonin haddii wafdiga madaxweynaha Somaliland uu isku dayo inay u soo tallaabaan dhanka degmooyinka Dhahar, Laasqoray iyo Badhan. Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in amaanka aad loo adkeeyey.
“Ciidamada maamulku waligoodba way joogeen amaankana way adkeeyeen. Anagu uma dulqaadan doono in xuduudahayaga la soo dhaafo” ayuu yiri gudoomiye Maxamuud Siciid oo intaa raaciyey in xaalada gobolka ay haatan degan tahay.
Gudoomiyuhu wuxuu u digay dad uu sheegay inay been u soo sheegeen Axmed Siilaanyo oo ay ku yiraahdeen “Somaliland baa laga taageersan yahay Sanaag” sida buu yiri taasoo ah arin xaqiiqada ka fog.
Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Bariga Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ee halkaa ku sugan maanta heegan la galiyey ka dib markii wafdigii madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay xalay ku soo hoydeen magaalada Ceergaabo oo ah xarunta gobolka.
Siilaayo ayaa shalay khudbad ka jeediyey degmada Ceelafweyn, isagoo dadweynaha gobolka Sanaag ku tilmaamay kuwii ugu horeeyey ee wax ka dhisay maamulka Somaliland.
Xiisadan ka taagan gobolka Sanaag ayaa sii xoogeysatay ka dib markii maanta ay soo bexeen warar sheegaya in wafdiga Axmed Siilaanyo ay tegi doonaan degmooyinka Dhahar iyo Laasqoray.
Madaxtooyada Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay toddobaadkan ku cambaareysay booqashadii Siilaanyo iyo wafdigiisu ku tageen Laascaanood iyo jiida Tukaraq oo ciidamada Puntland difaac kaga jiraan.
RBC Radio