Finally something good comes out of Galkacyo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Finally something good comes out of Galkacyo

Post by CismanMaxamud1 »

Gaalkacyo iyo tuulooyinka ku dhaw oo roobkii dayrtu si weyn ugu hooray

Iyadoo muddooyinkii u danbeeyay laga soo dayrinayay Xaaladda abaareed ee ka jirta nawaaxiga Magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa haddana habeenkii xalay ahaa waxaa ka da’ay Roobab ay dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen.

Tuulooyin ay ka mid yihiin Dusmada, Gobsho , iyo Cagaaran oo dhamaantoodba ka mid ahaa meelaha ay abaaruhu saameeyeen islamarkaana hoos taga degmada Gaalkacayo , ayaa haatan helay roobab lagu diirsaday.


Dhanka kale Miyiga buurta (Taalo cad) oo saaka qaar kamid ah howlwadeenada Warbaahinta Horseed Media ay booqdeen ayaa waxaa u suurta gashay in ay kula kulmaan dad reer guuraa ah oo sheegay in ay kasoo hayaameen deegaanada abaaraysan si ay xoolahooda u keenaan deleedka magaalada Gaalkacayo oo ay todobaadyo kahor roobab mahiigaan ahi ka da’een.

Xoolo iskugu jira Geel iyo Ari aad u fara ayaa xiligii aanu goobtaas booqanay ay indhahayagu qabanayeen iyaga oo daaqaya naqa curdinka ah wuxuuna dhulku ahaa mid aan u cagaaran , kalaha Xareedda iyo iftiinka qoraxduna marka ay is qabtaan ay muuqaalka dabiiciga ah ka dhigayeen mid aaney indhuhu marnaba daymadooda ka dhergeynin.
User avatar
Amilla
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1791
Joined: Thu Mar 19, 2009 10:57 am

Re: Finally something good comes out of Galkacyo

Post by Amilla »

Ma'shallah :up:

Most tribal wars and fueds happen on the drought season because of the scarcity of resources. So, this great news :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”