Beesha Yoonis Cabdiraxmaan oo ka tirsan Beelaha Daauud Ismaaciil (Ciidagale) oo maanta Suldaan Cusub ku Caleemo Saartay magaalada Hargeysa.
Hargeysa/ToggaHerer 15 April 2012
Waxa maanta Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Hotel Kaah lagu Caleema Saaray Suldaan Cusub oo ay Yeelanayso Beesha Yoonis CabdiRaxmaan oo ka tirsan Beelaha Daa`uud Ismaciil (CiidaGale).
Suldaan Axmed Cusmaan Cadagude
Suldaan Axmed Cismaan Cadagude ayaa manta lagu boqray Magaalada ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin isugu jira Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaano, Wasiiro iyo Marti Sharaf kale.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa Illaahay uga Baryay Suldaan ka Cusub in uu u Fududeeyo Xilka Loo Igmaday Waxanu kula Dadaarmay in uu noqdo kii lagu soo Hirto ee Dhexdhexaadnimo iyo Wada jir ku Shaqeeya.
Odayga Wey nee Reer Somaliland Xildhibaan Xaaji CabdiKariim Xuseen Yusuf ( Xaaji CabdiWaraabe) oo isna Madasha Caleemo Saarka Suldaan Axmed Cismaan Cadagude ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay Caleema saarkani tii ugu horeysay ee Nooceeda ah ee uu ka qayb galo waxaanu sheegay in Sababta uu Xafladan iyo Caleemo Saarka Suldaankan uga soo qayb galay Tahay aqoonta dheer ee uu u leeyahay Suldaanka Cusub isaga oo Xaajigu sheegay in ay soo Wada Shaqeeyeen Suldaanka Cusub Awawgii Cadagude oo ahaa Oday Nabadeed ugu Danabayntii Xaaji Cabdikariim Ayaa Suldaanka Cusub Illaahay uga Baryay in uu noqdo kii lagu Dego.
Waxa iyana sidoo kale Madasha Caleemo Saarka Suldaan Axmed Cusmaan Cadagude ka hadlay Madax ay ka mid yihiin Boqor Raabi ,Sul Yusuf Xiirey iyo Madax kale..
Hargeysa
http://togaherer.com/beesha-daauud-isma ... -hargeysa/