Postby Twist » Tue Jul 17, 2012 6:45 am
Waa qoraal iyo aragti wanaagsan. Aniguba in muddo ah ayaan rabay in aan sameeyo mowduuc Af-Soomaali ah, sida sheeko taxane ah ama arin laga wada hadlo oo ku saabsan bulshadeena, wax walboo ay ahaato.
Dhabtiina waa sidaad sheegtay oo dad walba oo dunida ku nool ayaga ayaa afkooda ama sare u qaadi kara oo qiime u yeeli kara, ama daayici kara, sida aan inagube taayada ku wadno hadda.
Waxaa nasiib-xumo ah in Af qoraalkiisa ay muddo intaa le'eg iyo dhaqaale iyo maskaxba ay ku baxdo qoriddiisa, aan si sahlan u dayaceyno. Waxaad soo xusuusaneysaa maah-maahdii Soomaaliyeed ee ahayd, "Rooti qof aan cunnidiisa aqoon ayuu ag yaalaa." Bal ka fikir xilli uu qofka Soomaaliga (waaba inta yar oo faro kutiriska ahayd oo xiligaa wax qori jirtay akhrinna jirtay) wax ku qori jiray xarfo luuqado ajnabi ah oo aan xiligaa afka Soomaaliga ku qornayn. Qiyaas dhibaatada iyo jahwareerka ka haystay dadka xiligaa noolaa in ay wax qoraan ama akhriyaan? Inagana maanta waxaan heysanaa Af qoran oo laga soo shaqeeyay, mana naqaano sidii aan uga faa'iidaysan lahayn.
Inkastoo waxyaabo badan loo aaneyn karo hoos u dhicidda luuqadeena, waxaa ugu horeeya u soo kicidda dalalka shisheeyo oo ay sabab u ahayd dagaalkii sokeeye, taasoo sababtay in jiil dhan oo qurbaha ku dhashay ama ku barbaaray aan ama akhrin/qorin Afka Soomaaliga, amaba aanan ku hadli aqoon, taasoo loo aaneyn karo gaabin xagga waalidka ah iyo weliba bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool oo aan ihtimaam sidaa u wayn siinin afka.
Allaa kariim!