Shariif Sakiin oo ku kacay qiyaano qaran

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Shariif Sakiin oo ku kacay qiyaano qaran

Post by AhlulbaytSoldier »

Shariif Xasan Shiikh Aden oo Nairobi u jooga sidii uu ugu fasixi lahaa Kenya qodida shidaalka xeebaha Soomaliya
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ka dhoofay shalay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Kenya.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho ay iska raaceen taliye ku xigeenka nabadsugida dalka Kenya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Waxana uu Shariif Xasan Shiikh Adan uu degey Hotelka Grand Regency ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu wadahadalo la lahaa mas’uuliyiinta dalka Kenya iyagoo ka wadahadlayay sidii uu Shariifka ugu fasixi lahaa dowlada Kenya inay ka bilowdo shidaal qodis xeebaha Soomaaliyeed.

Waxana uu Shariif Xasan doonayaa sida ay wararku sheegayaan in uu u saxiixo dowlada Kenya fasax ah qoditaanka ceelasha saliida inta uusan wareejin xilka guddoomiyanimada Baarlamaanka oo dhowaan xildhibaanada baarlamaanka cusub ay u doorteen in uu noqdo guddoomiye Proff Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Waxaana dhowaan ururka East African Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyraadka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ay digniin culus u dirtay dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystaan in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira qaasatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

Lama oga sababta keenay in Shariif Xasan uu ku dhaqaaqo arrimahan iyadoo dhowaan uu ku guuldareystey in uu ka soo dhex muuqda siyaasadda dalka Soomaaliya maadaama guddoomiyaha baarlamanka uu noqday nin ay isku beel ka soo jeedaan taasina ay meesha ka saartay fursadii uu u heli lahaa in uu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aden oo siyaasada Soomaaliya ka soo dhex muuqday shirkii ka dhacay dalka Kenya oo loogu doortay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa dadka ay u bixiyeen naaneyso tilmaamaya dhaqankiisa.

Waxaa la wada xusuusan yahay in Shariifka oo mar soo noqday wasiirka maaliyada xukuumada uu R/wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke isla markaana uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nor (Shiikh Adan Madoobe) sidii uu ula wareegay xilka guddoomiyanimada baarlamaanka Soomaaliyeed.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Shariif Sakiin oo ku kacay qiyaano qaran

Post by The`Republic »

Caqli xumaa. Any reer baadiye goes online and writes whatever. Is Kenya a stupid baby? Maybe Kenyan is a lone laa yiqra, laa yaktub geeljire somewhere in the bush?

And Sharif Hassan ceased to be Speaker the day the Parliament was inaugurated. On that day the Interim Speaker became Gen Muuse Hassan who in turn turned it over to Prof Jawaari.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”