Wararka naga soo garaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa waxaay tibaxayaan in Xukuumada Somalia ay maamul Cusub u dhisayso Gobolka Gedo.
Maamulkaan Cusub ayaa waxaa lagu wada in u badalo maamulki hore ee KMG ahaa ee uu hogaaminayay Maxamed Cabdi Kaliil.
Sida Kismaayo24 ay xog hoose ku heshay Maamulka Cusub ayaa waxaa uu ka koobnan doona Gudomiyaha Gobolka Gedo iyo labo kuxigeen Afhayeenka Gobolka iyo Xubno kale.
Dhamaan Xubnahan noqnaya Maamulka Cusub ee Gobolka Gedo ayaa waxay yihiin dhalinyaro Aqonyahano ah kuwaas oo la damacsan yahay in ay wax ka badalan Maamulka Gobolka Gedo oo 20 ki sano ee la soo dhaafay dib u dhacyo badan samaynayay.
Gobolka Gedo ayaa waxaa uu yahay Gobolka Labaad ee Somalia ugu weyn wana Gobol leh dhul beereed aad u baxad weyn Gobolka Gedo waxaa mara Labo wabi kuwaas oo gobolka ku soo lab laabta marana 4 dagmo oo ka mid ah Gobolka iyo ila 100 Tuulo.
Sido kale Gobolka Gedo waxaa uu leeyahay Dhul daaqsineed aad u baxad weyn kaas oo ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan Konfurta Somalia.
Gobolka Gedo waxaa intaasi u sii raca dhul buraleey ah oo aad u qurxoon kuna fican dalxiiska waxana ku taala buurta ugu dheer Konfurta iyo Bartamaha Somalia oo lagu magacaabo BUURTA (MATAA ARBAA)
Marka laga soo taago Khayraadka Xolaha iyo Beeraha waxaa Gobolka Gedo uu leeyahay Ceelal shidaal oo horay lo baray kuwaas oo ku kala yaala deeganada Faafaxdhuun iyo Shabel dulaa ee ka tirsan Gobolka Gedo.
Gobolka Gedo waxaa uu ka kooban yahay 8 Dagmo oo kala ah
Garbahareey
Balad Xaawo
Ceel Cade
Ceelwaaq
Baardheere
Buurdhuubo
Luuq
Doolow
Dad badan ayaa waxaay aminsan yihiin hadi Gobolka Gedo uu helo Maamul wanagsan u noqon karo mid ka mid ah Gobolada ugu hormarsan Somalia marka lo eego Meesha uu gobolka ku yaalo Khayradkiisa iyo Waliba Xaduuda uu la leeyahay Wadamada Kenya iyo Itobiya,