MD Xasan oo ku Fashilmay Hindisihii uu ujoogay Dhuusamareeb soona Laabanaya
Dhuusamareeb (KON) - Wararka laga Helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu goor dhow kusoo Laabanayo Magaalada Muqdisho, kedib markii uu Guuldareystay Dadaalkii uu ku doonayay in Shirku uu ka dhaco Magaalada Cadaado.
Teaser Image MD Xasan oo ku Fashilmay Hindisihii uu ujoogay Dhuusamareeb soona Laabanaya
Xasan ayaa waxaa uu Guddi Ganacsato iyo Odayaal ah uga soo Tegayaa Dhameystirka Howshii uu Halkaas u tegay Laba Maalmood ka hor.
Labadii Habeen ee lasoo Dhaafay ayuu Madaxweynuhu ku Hoyday Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka weday Dadaal uu ku doonayo in Shirka Maamulka ay ku dhisanayaan dadka Gobollada dhexe lagu qabto degmada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha dega Gobollada Mudug iyo Galgaduud kuna Shirsanaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa si isku mid ah u Diiday soo Jeedinta Madaxweynaha oo ku saabsaneyd in aan la Khilaafin Hadalkii uu Shirka Nabadda Furitaankiisii uga Dhawaaqay oo ahaa in Gogosha Maamulka Gobollada dhexe lagu dhisayo ay taallo Magaalada Cadaado.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho