Somali Gov and International Community led by Switzerland Discuss Federalism Model

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Somali Gov and International Community led by Switzerland Discuss Federalism Model

Post by THE_TRUTH1 »

Somali Gov and International Community led by Switzerland Discuss Federalism Model

Image

Kulan looga hadlay nidaamka Federaal ee ay ku dhaqmi karto Somalia oo ka dhacay Muqdisho
0 0 Google +0 0


Talaado, Oktoobar 06, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Switzerland oo uu hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah danjiraha Switzerland, ahna wakiilka gaarka ah ee dalkiisa u qaabilsan Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa; Prof. Iur. Kurt Nuspliger oo ah khabiir dhanka arrimaha federaalka, waxaana shirka diirrada lagu saaray federaal ugu habboon ee Soomaaliya lagu dhaqi karo, maadaama ay jiraan habab kala duwan oo waddamada caalamka ee federaalka qaatay ay ku dhaqmaan.

Dhinacyada ayaa si qoto-dheer iskula eegay noocyada kala duwan ee federaalka, waxaana tusaale ay u soo qaateen shanta tiir ee federaalka udub dhexaadka u ah.

Safiirka Switzerland ee Somalia, Dominik Langenbacher oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in Somalia ay leedahay dowlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay, ayna haatan doonayaan inay ka taageeraan sidii ay u heli laheyd nidaam federaal oo ku habboon, maadaama ay ka jiraan dunida noocyo kala duwan oo federaal ah.
Ugu dambeyn, Carte ayaa xusay in xukuumadda Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adaha ay khuseyso arrintan ay ku dadaalayso sidii looga taabo-gelin lahaa, si ugu dambeyn loo helo habka ugu habboon ee federaal ee Soomaaliya lagu dhaqi karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2015/Oct/war ... QXMkF.dpuf
- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2015/Oct/war ... QXMkF.dpuf
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”