Xafiiska Taliye ku-xigeenka koowaad ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. Cabdalla Cabdalla Max’ed ayaa la sheegay in la jabsaday, iyadoo arrintana ay ku soo beegantay xili khilaaf ba’an uu ka dhex aloosan yahay masuuliyiinta heyaddaas.
Wararka ayaa sheegaya in la burburiyey qalabkii Xafiiska iyo aqabkii yiilay, iyadoo dokumentiyadii ku jiray qaarkood la qaatay kuwo kalena xafiiskiisa dhexdiisa lagu daadiyey.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan NISA oo ka amar qaata Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo dalka ka maqan.
Xafiiska Taliye ku-xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaalla xarunta NISA ee Habar Khadiija loo yaqaan ayaa waxaa loo geystay fal ay saraakiisha NISA ku tilmaameen mid taariikhda Hay’adda ku cusub.
Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen uu maalmo ka hor shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku-xigeen ka dib khilaaf la sheegay inuu soo kala dhax galay.
Qoraal uu Isniintii ah soo soo saaray Xafiiska agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa lagu cadeeyay in shaqada laga joojiyay ku-xigeenadiisa kala ah, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.
tali-1.jpg
tali-2.jpg
tali-3.jpg
Deputy chief of nisa office broken into allot of intell stolen shocking development
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32790
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 809 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 0 Replies
- 529 Views
-
Last post by sahal80
-
- 35 Replies
- 4622 Views
-
Last post by Hassansubhr
-
- 1 Replies
- 763 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 14 Replies
- 2117 Views
-
Last post by fiiltare
-
- 1 Replies
- 755 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 10 Replies
- 1072 Views
-
Last post by paperino
-
- 10 Replies
- 1239 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 16 Replies
- 6797 Views
-
Last post by General Duke
-
- 2 Replies
- 642 Views
-
Last post by Khalid Ali