Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
Moderator: Moderators
Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
1.Awal maanso waataan gudhiyay Muxumad Gaasoowe
2.Galbeedkaa waataan u diray guga horaantiiye
3.Wax i gaaray mooyee si baan ooga gaabsadaye
4.Aan golsheeyo eegaan hayaa gun iyo baarkeed e
5.Afartaasu waa gogol dhigiyo galangal suugaan dheh
6.Guga oo kalkiisii galiyo galalax roobaad dheh
7.Sayidkii gudboonaa miduu soo gulaan-gulay dheh
8.Garnaqsigii Dhoodaan iyo Gahayr gabayadoodii dheh
9.Gondolkii Qamaaan iyo Salaan galalabtoodii dheh
10.Calidhuux miduu ganiyo ,gumac rasaaseed dheh
11.Gudoonshihii Ina dagiyo Afloow gininigtiisii dheh
12.Gole-ka-fuulkii Ina Beenaleey,geesi arartii dheh
13.Galayax iyo Daahir-Cali mideey geel u tiriyeen dheh
14.Gamuutiyo Xarbiyo Khaliif gunaanudkoodii dheh
15.Gooni iyo Ismaaciil miriyo gole ka sheegeen dheh
16.Giiraantii Buuhoodliyo guba shirshooraad dheh
17.Guhaadkii Qaasin uu marshiyo galyan iyo faan dheh
18.guudka sare Raagihii ahaa galalacdiisii dheh
19.Midaan soo gardaadshoo haboon, garasho wayeel dheh
20.Gobo' kalena waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay
21.Gurre, sheekhaashtiyo Obbiyo Guriga Iidoor ah
22.Garre iyo geesh gadabuursiya Gur-guriyo Ciise
23.Ogaadeen gankaa uu yahay, labada geesoodba
24.Gumasoor,Salaabeenadiyo guruub Majeerteen ah
25.Habarwaa nugaal gaardiyahayiyo gegeda buuhoodle
26.Hawiyaha ka gees iyo ka gees gaafka wada yaala
27.Gibil cad baraawiyo Jareer, gudhuu idaylkooda
28.Galguduud Marexaan kaa galiyo Gedo agaarkeeda
29.Geledi iyo Mirifliyo intii gacalka ree Baay ah
30.Guud ahaan Somalida markaan galab carroow gaadhay
31.Taan galiyay maankaan hayaa, idin garwaaqsiine
32.Gob weeyaan soomaalidu iyo gacal xigaaleed e
33.Waa Geesh walaalaba ahoo gibil wadaagaaye
34.Waa Gudin iyo daab aan is hurin , Guulle mahadiiye
35.Godobtooda kii doonayoow goofal baa tahaye
36.Gudcur iyo madoow baa tihiyo nacab la gooyaaye
37.Gunnimada ninkii goobayee gaasiraa tahaye
38.Inaad Guul heleyn baan arkaa gocondo aasoowe
39.Ogaabeey gubtaanyaad heli iyo gamasyo naareed e
Hal-abuur Seedyare
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
Abwaanada ku xusan tixda kore
1.Sayyidka
2.Qamaan
3.Raage
4.Ina Dage
5.Ina Beenaleey
6.Xarbi
7.Khaliif
8.Daahir
9.Dhoodaan
10.Afloow
11.Salaan
12.Gahayr
13.Qaasim
14.Gamuute
15.Calidhuux
16.Ismaaciil Mire
17.Gooni
18.Galayax
1.Sayyidka
2.Qamaan
3.Raage
4.Ina Dage
5.Ina Beenaleey
6.Xarbi
7.Khaliif
8.Daahir
9.Dhoodaan
10.Afloow
11.Salaan
12.Gahayr
13.Qaasim
14.Gamuute
15.Calidhuux
16.Ismaaciil Mire
17.Gooni
18.Galayax
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
Giraantii Buuhoodle waxaan kala jeedaa sugaantii ay is weeydaarsadeen niman badan oo dhulbaante ah sida:
Aadan Carab
Cumar Cigaal
Samatar Baxnaan
iyo dhawr kale.
Aadan Carab
Cumar Cigaal
Samatar Baxnaan
iyo dhawr kale.
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
I wrote a typical iidoor reply to own poem .This what l would expect from khaalid ,Mr X or any Iidoor dude intoxicated with the secessionist vermain 
Deelleeyda gabay rag baa ,daba-qadayn jiray
Rag baa dabuubtiyo lahaa durdurka Geeraar e
Ma dalfaane maansada rag baa ,door ahaan jiraye
Dibnaha rag baa u xira , dacwiga suugaan e
Maxamad Fiin dood uu lahaa ,iima daah bixine
Duugii Saalaan baan arkayn , dararkii Haabiil e
Waxaa dawga maansada lahaa, Duriyad iidoore
Dir iyo Daarood Ismaaciil iyo daaduunka huutuuga
Durriyadaa qooqday beey ,daba rucleeyaane
Dabaylaha Xagaagii dhacee ,dunida gaaf meera
Daranyo waxaan ahayn, lagama doogteene
Maandhoow dacniyay qadaadwayn dabinadeediiye
Maandhow dawlad baan ahoon, dayaxaan lacaaye
Maandhoow dad waxaan necbahay, duulkii Ree Xamar e
Maandhoow Dakanadoodaan rabaa ineey dulloobaane
Maandhoow dabbaa xamar galaaan ani ku doogtaaye
Dusha Burco daaraha Berbera iyo Dilaa agaarkeeda
Buurta Daalo ,Doox iyo Sanaag Dararka Oodwayne
Dukaamihii Hargeeysoo dahabku buux dhaafshay
Maandhoow Intaa baan deeq helay oon duni ka eegtaaye
Maandhoow Duul kale maxayga galay daacad baan odhane ?

Sxb ma barbarad baad tahay. Khaladaad badan baa ku jira.
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
haa , barbaradka aad sheegtay ayn ahay .eray sax ama soo sheeg qaladaadka kuu muuqda .
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
Maandhoow Duul kale maxayga galay daacad baan odhane ?
Way badan yihiin. meeriskaa aan ka soo dhex saaray baa ka mid ah. meeris maha sxb waa hadal caadi ah. hadaad hibadeeda leedahay waad hagaajin kari. waxan is idhi hadaad kuwa badan oo saarto armuu dhibsadaa. ha dhibsan sxb waadiga soo sheeg yidhiye. mida kale barbaradku dhaliil maaha oo abwaan ka staa wuu soo maraa
Way badan yihiin. meeriskaa aan ka soo dhex saaray baa ka mid ah. meeris maha sxb waa hadal caadi ah. hadaad hibadeeda leedahay waad hagaajin kari. waxan is idhi hadaad kuwa badan oo saarto armuu dhibsadaa. ha dhibsan sxb waadiga soo sheeg yidhiye. mida kale barbaradku dhaliil maaha oo abwaan ka staa wuu soo maraa
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
kan dambe aad iskuma shuqulin ..comment ahaan ayn u qoray .waana ogaa inuu yara maroorsanyahay blse 80% waa la qaadan karaa .Kayse2018 wrote: Sat Dec 21, 2019 12:38 pm Maandhoow Duul kale maxayga galay daacad baan odhane ?
Way badan yihiin. meeriskaa aan ka soo dhex saaray baa ka mid ah. meeris maha sxb waa hadal caadi ah. hadaad hibadeeda leedahay waad hagaajin kari. waxan is idhi hadaad kuwa badan oo saarto armuu dhibsadaa. ha dhibsan sxb waadiga soo sheeg yidhiye. mida kale barbaradku dhaliil maaha oo abwaan ka staa wuu soo maraa
hadaa adigu doob dilaacsatay
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
Deelleeyda gabayga rag baa ,door ahaan jiraye
Dabuubtiyo rag baa lahaa durdurka Geeraar e
Ma dalfaane maansada rag baa ,daahiroow garane
Dibnaha rag baa u xira , dacwiga suugaan e
Maxamad Fiin dood uu lahaa ,iima daah bixine
Duugii Saalaan baan arkayn , dararkii Haabiil e
Waxaa dawga maansada lahaa, Duriyad iidoore
Dir iyo Daarood Ismaaciil iyo daaduunka huutuuga
Durriyadaa qooqday beey ,daba rucleeyaane
Dabaylaha Xagaagii dhacee ,dunida gaaf meera
Daranyo waxaan ahayn, lagama doogteene
Maandhoow qadaadwayn dacniyay , dabinadeediiye
Maandhow dawlad baan ahoon, dayaxaan lacaaye
Maandhoow dad waxaan necbahay, duulkii Ree Xamar e
Maandhoow Dakanadoodaan rabaa ineey dulloobaane
Maandhoow dabbaa xamar galaaan anigu doogtaaye
Mandhoow dibiriyo ciil baan ,dibinta ruugaaye
Dusha Burco daaraha Berbera iyo Dilaa agaarkeeda
Buurta Daalo ,Doox iyo Sanaag Dararka Oodwayne
Dukaamihii Hargeeysa oo doolaarku maansheeyay
Maandhoow deeq Intaa baan helayoon duni ka eegtaaye
Maandhoow duco iyo habaar baan anigu doonayne
Mandhoow dadaal baan u galay danaha ree Land e
Mandhow sidaa baan doortay oon dalab ku raadshaaye
Maandhow iga daa qadaadawayn ima dubaaxshaane
Re: Somalidu waa hal (A poetic message to Duriyad cadhootay)
Eedaanka gabay Keeysoow, waa loo kal tiriyaaye
lays kuma kadeedee murtida waa lagu kifaaxaaye
Kadab laguma raadshiyo waxaan kaalin galahayne
Anse kaygu waa dahab iyo macaan loo kalaam dayaye
Aan kulaalo maansda mid baan soo kilaan-kiline
Waxaa koobka gabay aaneeysan jiray Kablalax Daaroode
Absame kuumadaa nin ogi ,kalaam ku boobeene
Kolonyada Shirshooraa ba'anaa karinta suugaan e
Kuligii kabadhe iidoor maxamad labada kooxoodba
kambalkiisa gabay iyaba weey kid-fi ogaayeene
Hayeeshee keeysaha naxwaa,, looga kaaf tagaye
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 1472 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 29 Replies
- 1694 Views
-
Last post by Captain24
-
- 0 Replies
- 463 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 11 Replies
- 837 Views
-
Last post by Murax
-
- 0 Replies
- 386 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 465 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 4 Replies
- 501 Views
-
Last post by kambuli
-
- 5 Replies
- 733 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 5 Replies
- 719 Views
-
Last post by paidmonk