https://www.warqaad.info/dawlada-soomaa ... casuuntay/
Dawlada Soomaaliya oo Saadaq Joon siisay maqaam sare kuna casuuntay…
Taliyihii hore ee booliska gobolka banaadir general saadaq cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa waxa uu ka helay maqaam iyo hab maamuus sare Dawlada Soomaaliya.
General Saadaq Joon ayaa kasoo muuqday sawir ay wadajir ula galeen Wafdiga ka socday Dawlada Soomaaliya ee Maxkamada ICJ loo diray.
R/wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Guuleed,xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed Cali Siciid Fiqi oo hore Kiiska Dacwada dadkii udoodayey soomaaliya ka mid ahaa,xeer ilaaliyihii hore ee qaranka Axmed Cali Daahir,Danjire Yuusuf garaad cumar iyo xubno kale ayaa sawirka uu kula jiray Saadaq Joon.