How About Moving P\Land Capital Temporaly To Qardho? !!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

How About Moving P\Land Capital Temporaly To Qardho? !!!!

Post by Daanyeer »

GAROOWE : Suldaan Siciid “Go’aamo aad u adag baan ka soo saaraynaa ammaanka Garoowe , shir muhiim ah oo ku saabsan Ammaanka Garoowe oo ka dhacay Xeerada Daraawiishta

Posted to the Web Mar 27, 11:04


Garoowe:-Waxaa goor dhawayd lagu qabtay Xarunta Xerada Daraawiishta Garoowe kulan aad u ballaaran oo looga hadlayo ammaanka-Garoowe , waxaana ka soo qaybgalay Issimada gobolka , Maamulka gobolka , Saraakiisha ammaanka , Odayaal , Waxgarad iyo dadwayne kale.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Jeex oo ka hadlay ammaanka ayaa sheegay in Ammaanku yahay waxa ugu horeeya ee Ilaahay laga baryo , wuxuuna dadka Garoowe ku dhiiriyay in ay ka shaqeeyaan ammaanka.

Cabdi Gaani Taliyaha Saldhiga Garoowe ayaa isagu aad uga codsaday Issimada in ay qoraal cad u quraan oo qeexaya in ay hawlahooda ammaan sugida ay qabsan karaan.

Wuxuu ku celceliyay in Booliska loo qoro qoraal saxiixan oo sheegaya in ay hawlaha ammaanka ay wax ka qabtaan , si ay aan loo qabsan hadhow mark ay hawlgal sameeyaan maadaama ay ka hor imaanayaan dad hubaysan.

Cabdi Gaani wuxuu sheegay in dhibaatadu ay ka taagan tahay Ciyaal Iskuulka , wuxuuna aad uga codsaday Waalidka dhalay Caruurta iyo Macalimiinta wax barta in ay kala shaqeeyaan ammanka magaalada , oo aysan hub siin Ciyaalkooda oo ay kaantaroolaan.

C/rashiid Bulshaale Taliayaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa sheegay in Garoowe xaaladeeda ay marayso meel aysan waligeed gaarin , oo burbur u dhow , iyakun ay ku dhow yihiin in ay shaqada iskaga tagaan.

Wuxuu dhammaan Bulshada ka codsaday in lala shaqeeyo Booliska si ay u qabtaan dambiilayaasha caadaystay falalka ammaan-darada ah.

Cali Cumar oo ah Taliyekuxigeenka Ciidanka CID-da ayaa sheegay in Ciyaalkan ay ka dambeeyaan dad gobolka ah iyo kuwo meelo kale ka yimid.

Wuxuu sheegay Caruurta wata baaskooladaha iyo Moobaylada in ay Waalidkood u badan yihiin dad faqri ah oo aan awoodin nolol-maalmeedka Guriga , sidaasn ay ku cadahay in dad nabdad-diid ah ay u gadeen hubka ay sitaan.

Cabdi-salaad ayaa isagu aad ugu celceliyay in Magaalada Garoowe farqi aad u wayn u dhaxeeyo ka hor sida ay ahayd Puntland iyo iminka sida ay tahay , wuxuuna dadka kula hadlay in ay ka shaqeeyaan ammaanka gobolka iyo Guud ahaan Puntland.

Xaaji Cabdi-shuluco , ayaa aad uga sheekeeyay qiimaha uu ku fadhiyo magaca Puntland wuxuuna sheegay in aysan garan Karin oo aysan dareen sanayn dadka gudaha ku dhaqan , balse dadkooda dibada jooga ay magac wayn ugu fadhido.

Wuxuu reer Garoowe ku dhiiriyay in ay ammaankooda ilaaliyaan , wuxuuna sheegay in Magaalada Garoowe kobaceeda dhaqaale iyo midkeeda baaxadeedba uu ku tiirsan yahay jiritaanka Puntland.

Mr: Cabdi Suluco wuxuu sheegay in aan la garabsiin dadka marka ay dantooda waayaan doonaya in ay kharibaan , kuwaasna waxa uu ku tilmaamay siyaasiyiinta , isagoo xusay in uu isaguna ka mid yahay raga Siyaasada lagu tilmaamo.

C/laahi Ciise Aw-axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa isagu si gaara uga hadlay Isbataalka Garoowe wuxuuna sheegay in Maamulka io Shaqaalaha Isbataalka uu kawado fariin , ku aadan in ay ka cabanayaan dadwaynaha ku dhaqan Garoowe.

C/laahi Ciise wuxuu sheegay in ay Shaqaalaha Isbataalku u sheegeen markii ay dhibaato dhacdo oo la keeno dhaawac Isbataalka in ay isa soo dhoobayaan dadwaynaha magaalada oo dhan oo laga dawyn Karin dadka waxyeeladu soo gaarto.

Wuxuu dadwaynaha ka codsaday in ay arintaani xil iska saaraan oo ay dhaqaatiirka u ogalaadaan in ay daweeyaan dadka dhibku soo gaaro.

Suladaan Siciid Maxamed Garaase ayaa sheegay in aan mardambe loo dul qaadanayn kuwa fowda wadayaasha ah oo ay amar ku bixinayaan in qof kasta oo dambiile ah lagu fuliyo waajiba uu leeyahay kii dil mudana la dilo kii xarig mudana la xiro.

Waa dhammaatay in qof qabiil ama qaraabo lagu daafaco ma ogalaan doono in shaqsiyaad kooban ay Ummadda masiibo dhexdhigaan.

Waxaan ka soo saaraynaa qoraalo iyo go’aamo cad-cad oo Booliska aan siinayno in ay hawshooda ay gudan karaan oo aan cidna loo qabsan doonin cidii fal gacanta kula jirta oo la dilo ama la xiro.

Waliba waxaan go’aaminaynaa in magaalooyinka Boosaaso iyo Laascaanood loo dhaadhiciyo si aan hablaha dhalay dambiilayaasha aysan cunto ugu gayn xabsiga.

Suldaanku wuxuu sheegay in aysan cidna madax iyo cid kalaba aysan u ogalaan doonin in ay hub la dhexmaraan gudaha Magalaada dhexdeeda , ayna Booliskana amar ku siinaynaa in ay toogtaan ama xiraan qof kasta oo magaalada la dhexmara hub , waana la xiriiraynaa madaxda hubka la dhexmarta magaalada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo isagu soo xiray kulankan ayaa sheegay in qofkii dambi galay ay isaga gaar u ahaan doonto oo aan cidna la wadaagi doonin lana daafici doonin ee la marinayo abaalka uu leeyahay.

Magaalada Garoowe oo ka mid ah Magaalooyinka ku caan baxay ammaanka ayaa maalmahaan waxaa ka jray dhalinyaro fowda-wadayaal ah oo dadka dariiqyada isku taagaya kana qaadaya moobaylada iyo waxa ay wataan.

Axmed C/salaam
Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya
Contacts:loole25@hotmail.com
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Post by Daanyeer »

GAROOWE : Nin Wajiga soo qarsaday oo dhaawacay Mid ka mid ah Ilaalada Madaxtooyada iyo Haweenay

Posted to the Web Mar 30, 19:29


Garoowe:-Waxaa goor dhawayd Nin Wajiga soo qarsaday uu dhaawacay Mid ka mid ah Ilaada Madaxtooyada Garoowe oo aanan wali noo suurta galin in aan helno magaciisa iyo Haweenay joogtay Biibito uu fadhiyay Ninka ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Garoowe.

Hawaynada ayaa dhaawacan tahay kadib markii isku duubay Ninkan ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada oo Ninkan Maaskaraatiga ah uu doonayay in uu dilo.

Dhaawaca labadan qof , ayaa la kala dhigay Isbataalo ku kala yaala Xaafadaha magaalada , waxaana la sheegay in dhaawacoodu uu sahlan yahay oo ay xabadu kaga dhacday llabadoodaba ugaha.

Taliyaha Saldhiga Garoowe Cabdi Gaani ayaa u sheegay Puntlandpost.com in aan wali la garanayn Ninkan dhaawacay 2-daan ruux maadaama uu ahaa Nin Maaskaraati ah oo wajiga soo qarsaday.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland , ayaa beryahaan waxaa si wayn loo hadal hayaa ammaankeeda , kadib markii ay ka dhaceen falal ammaan-xumo ah oo sababi kara fawdo iyo qas si way u saameeyay Guud ahaan ammaanka Magaalada.

Waxaana barbar socda shirar iyo kulamo looga hadlayo ammaanka magaalada oo ay yeelanayaan Issimada , Maamulka gobolka , Kan Degmada iyo Saraakiisha Ciidanka ammaanka kaa soo looga hadlayo sidii ammaanka looga shaqayn lahaa.

Axmed C/salaam
Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya
Contacts:loole25@hotmail.com
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”