This is one of the most undervalued but gifted member of the famous Hobalada Waaberi. His choice of songs, his style of singing, and the depth of his lyrics are unmatched. Allaahu Yarxam Marxuum Cabdi Salaad Beerdilaacshe. Here is one of his songs:
http://www.sclub19.com/music/media/Abdi ... jacayl.mp3
Inuu caashaq jeyl yahay
Jirab iyo kadeed yahay
Jahanaba la shidayoo
Laga joogi karin yahay
Ka jawaabay aniguyee
Waxaa looga jeedaa
Ma jaboo ha dhimanbaa
Ma aakhira u jiidaa
Ma janadii fardowsoo
Jidkeedii la helay baa
Maxaa looga jeedaa
Inuu caashaq jil yahay
Jira iyo xanuun yahay
Dabin kugu jiladan iyo
Wax kaa tuuray Jiiryahee
Ka jawaabay aniguyee
Waxaa looga jeedaa
Ma sariirta jiifbaa
Ma haraad la joogbaa
Ma jawharad hilaacdoo
Indhaha diiraneeysaa
Maxaa looga jeedaa
Inuu caashaq jini yahay
Jugaan cidi arkeyn yahay
Gantaal laguugu jiidoo
Lagaa jari karin yahay
Ka jawaabay aniguyee
Waxaa loogaa jeedaa
Ma janjaan ahoow oo
Ha jibrado wadnuhu baa
Ma jir kugu da'aayoo
Raxmadii jaleecdaa
Maxaa looga jeedaa




