Unclebin....More news from Xaalada Puntland
Mogadisho is more safe then puntland...look what cadde muse just said today because of whats happening in Puntland...
PS...Dont worry its not from and Iidoor website and Waagacusub
Madaxwaynaha dowlad goboleedka puntland Mudane:Gen:Maxamuud Muusi Xirsi (Cadde Muuse)ayaa kulan la yeeshay dhamaan saraakiisha amaanka ee dowlad goboleedka puntland kulankaas oo looga hadlay Sudiga guud ahaan amaanka dowlad goboleedka Puntland, oo indhowaale ahaa mid aan aad loogu dhacsanayn.
Madaxwaynaha ayaa saraakiisha kula kulmay xarunta Police ka ee gobolka Bari ,isagoona sheegay in uu kormeer dheeraad ah iyo joogtayn ku samayn doono xarumaha booliiska dhamaan dowlad goboleedka puntland ,si madaxtooyadu u xaqiijiso hab sami usocodka howlaha nabad gelyo ee dowlad goboleedka..
Madaxwaynaha ayaa ku amaanay booliiska howlaha hada ay qabteen,isagoona xusay indhowaan booliiska puntland ay qabteen rag damacsanaa inay wax qarxiyaan laakiinse ma sheegin madaxwaynuhu meesha ay rabeen in ay qarxiyaan iyo cida ay ahaayeen dadkaasi..
Madaxwayne Cadde Muuse ayaa markale ku ceshay in uu siin doono ciidamada amaanka waxyaalaha ay uga baahan yihiin sugida amaanka ,sida aynu la socono madaxwaynaha ayaa safar uu bishii February ee sanadii 2006 ku yimid magaalada Laascaanood ugu balan qaaday ciidamada amaanka gobolka Sool agabyo ay aad ugu baahnaayeen kuwaas oo ilaa hada aan fara lagu hayn..
Cadde Muuse ayaa usheegay saraakiisha Amaanka xukuumadiisa inay jiraan rag doonaya in ay is hortaagaan howlaha mashaariicda hor'umarineed ee dowladiisu doonayso inay ku talaabsato, ragaas oo aanu sheegin kuwa ay yihiin iyo magacyadooda toona..
Warar ay afnugaal ka helayso madaxtooyada garoowe ayaa sheegaya in raga uu madaxwayne cadde muuse ku wargaliyey saraakiisha amaanka inay la socdaan ay yihiin qaar ka mid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka puntland kuwaas oo maran ba'ani kala dhexeeyo madaxwayne cadde muuse..