Kismaanyo) wararka naga soo gaaraya magaalada kismaanyo ayaa sheegaya in ay isku dhiben maxaakinta islaamiga ah ee ka taliya degaannada jubboyinka qaar ka mid ah ciidamadii Bare hiraale ee ku sugnaa duleedka Berxaano, ciidamadan is dhiibay ayaa waxaa hor kacayay Co.Cabaas Ibraahin Gurey oo ahaa markii isbahaysigii burburay ee dooxada jubba ka talinayeen degaanka kismaanyo taliyaha airportka kismaanyo, ciidamadan ayaa isa soo dhiibay shalay galinki dambe ayadoo tirada ciidamdan ay kasoo baxayaan warar kala duwan waxaana wararka qaar ay ku sheegayaan tirada ciidamadan ilaa 250 askari halka qarkalena ay ku sheegayaan ilaa 150 nin sikastaba ha ahaatee ,Co.cabaas ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay sababaha ay isku soo dhiiben ciidamada maxaakinta islaamiga ah ee magaalada kismaanyo waxaana uu sheegay madama maxaakintu ay la wareegen talada gobolada konfured ee soomaaliya ay laga maarmaan tahay in ayaga la taageero lalana shaqeeyo aniga & ciidankayga waxaan qaadanay in aan maxaakinta taagerno ,waana laga maarmaan in wax lala qaybsado ,laakiin markii hore hadii aan mabda kaga soo horejeeday hadana waan ka laaban karaa ka soo horjeedkayga ,ayaa u sheegay cabaas oo saakay arintaas ka warbixinayay.cabaaaaaasooooooooooow
