The good news keeps on rolling in.
Weerar kale oo lala beegsaday ciidamada Ethiopia ee magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan PDF Print E-mail
Friday, 01 June 2007
Maanta ayaa ciidamada Ethiopia loo dhigay miino jidka u dhaxeeyo xerada ay daganyihiin ee janto-gundisho iyo magaalada, meel wax yar un u jirta goobtii shalay lagu weeraray, waxaana arkay miinada sida la sheegay dad rayid ah oo u sheegay ciidamada Ethiopianka
Warku waxuu intaasi ku darayaa in miinadii ay ka saareen goobta ciidamada Ethiopia waxayna bilaaween in baaritaano ay ka sameeyaan xaafadaha u dhaw dhaw deegaanka miinada lagu arkay iyagoo hub faro badan ka aruuriya xaafada xaawo-taako sida ilo xog'ogaal ah inoo xaqiijiyeen waxaana intaasi dheer in dhowr ruux ay ka kexeesteen xaafada xaawo-taako kuwaasi oo ay ka shakiyeen
Dad faro badan ayaa arrinta walaac ka muujinayo ayagoo ka cabsi qaba in ay sii bataan weerarada lala eeganayo ciidamada Ethiopia
Dadka ayaa cabsida ugu weyn ee haysato ay tahay hadii cidamada Ethiopia laweeraro maxaa dhici doono matii shalay oo kalaa mise mid kaduwan iyadoo cabsidan haysa dadku ay ka dambeysay ka dib markii ciidamadu ku hanjabeen in hub ay la dhici doonaan magaalada
Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa ayadoo 24kii saac ee ugu dambaysay ay la haayeen Kulan balaaran oo daba joogay Qarax dhawaan lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee degan duleedka Magaalada B/weyn,
Kulankaasoo looga hadlayay arimaha nabad-galyada waxuuna dhaxmaray maamulka gobolka iyo saraakiisha ethiopianka iyo odayaasha dhaqanka waxuuna ka dhacay Xerada Jante-guudisho halkaasi oo saldhig u ah saraakiisha ciidamada Itoobiya iyadoo saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Gobalka Hiiraana.isla garteen in wax weyn laga qabto arrimaha amniga
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo ka hadlay kulanka ayaa dhinacooda balan qaaday in ay qeyb ka qaadan doonaan arrimaha Nabad-galyada iyaga oo garab-sanaya dhinaca Maamulka
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee kulanka ka haday ayaa sheegay in ujeetada ugu weyn ee wada hadalkan yahay Arimaha Nabad-galyada iyo sidii iskaashi buuxa looga sameyn lahaa in mar kale aysan dib u soo laaban dhacdadii dhawaan ay ku geeriyooday 4 ruux ee rayidka ah, islamarkaana lagu weeraray Gadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya.
Saraakiishu waxaa ay intaa ku dareen in dhinacooda amar buuxa ku qabaan hadii la soo weeraro in ay is difaacaan lakiin laga yaabo in dad badan oo aan waxba galabsan ku dhintaan, .
Dhanka kale Saraakiisha Itoobiya waxaa ay ka hadleen arimaha Ciidamada oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan nidaamsaneyn loogana fadhiyo Sarakiisha Ciidamada ee ka howl-gala gobalka in ay sameeyaan Nidaam gaar ah oo ay ku shaqeeyaan Ciidamada Dowlada Federaalka, iyaga oo dhanka kalana ku cel celiyay Saraakiisha Itoobiya Cawaaqibka ka dhalan kara werar danbe oo lagu soo qaado,
,
Kulanka dhax maray labada dhinac ayaa ka dambayay werarkii dhawaan lagu qaaday Ciidamada Itoobiya
Ilyaas axmed cilmi
guute@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
OnkodNews
B/weyne Somalia



