Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The SNM revolution taking hold

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
guryasame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 656
Joined: Tue Nov 22, 2005 4:48 pm

The SNM revolution taking hold

Postby guryasame » Wed Jun 06, 2007 12:16 am

SNM struggle for life, liberty and human dignity is a universal struggle which is becoming embraced by others.


Dareenka xubno u hadlay dadka aan SNM ahayn: Xus loo sameeyey Gudagalkii SNM 27-31 May
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 05 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.org) – Marka ay hadlaan dadka aan SNM ahayn – ha noqdeen kuwa ka soo jeeda beesha SNM ama beelaha kale ee Somalilande – ay ku dhiirradaan inay sheegaan xaqiiqada taariikhda iyo meeshii uu kaga jirey, isla markaana ixtiraamo, haddii aanu ugu hambalyayn guusha halgankii SNM laga gaadhey iyo ciddii ka qaybgashayba, waa geesinimo, waa guul, waa gobannimo, waa garawshiinyo, waa geelsiin, waa ifafaalaha korriinka Garaadka ummadda, waana dawada isfaham qaran.

Way yartahay ama maba dhicin sannado badan in munaasibadaha iyo xusaska ku suntan taariikhdii halgan ee SNM ay kala qaybqaataan halgamayaashii SNM dad aan SNM ahayn, lana wadaagaan dareenkooda dhacdada xuskaas lagu suntay. Waxay u badnaayeen xusasku kuwo SNM iyo taageerayaashoodii ay isugu yimaaddaan, kagana warramaan taariikhdaasi xanuun iyo guul wixii ay lahayd, marka laga reebo ashkhaas hab-maamuuska qaran kaga soo qaybgala oo goob joogayaal ah.

Hase yeeshee, xaflad habeenkii Arbacadii toddobaadkii hore, 30kii May lagu qabtay Hotel Maansoor magaalada Hargeysa oo lagu maamuusayey xuska Gudagalkii SNM ee magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, 27 iyo 31 May 1988 ayaa ahayd mid u dhacday si ka duwan xusaska taariikheed ee halgankii SNM. Waxay ahayd madal kulmisay SNM iyo dad aan SNM ahayn, madal labada dhinacba ay hadleen, isla markaana la dumiyey deyrkii kala uur-dadabka iyo in qof la gabbado in aanu SNM ahayn iyo in aanu dadku wadaagin duruuftii halganka.

Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey Haweenka Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE, waxa ka qaybgalay badiba hoggaamiyayaashii siyaasadeed iyo Milateri ee ururkii SNM inta nool ee dalka joogta oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo oo hoggaaminayey ururka SNM muddadii ugu dheerayd oo ay ku jirto markii SNM fulisey gudagalkii 27 May ee Burco iyo 31 May ee Hargeysa 1988kii, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna ka mid ahaa xubnihii ku dhawaaqay ururka SNM 1981, in badan oo ka mid ah saraakiishii Milateri ee SNM, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiillada iyo martisharaf kale. Waxaana si ballaadhan looga hadlay taariikhda maalmahaas gudagalka, halgankii SNM guud ahaan iyo weliba dhibaatooyinka halgamayaashii SNM kala kulmay qarankii ay xorriyaddiisa sababta u ahaayeen.




Marwo Ikraan Xaaji Daauud, MPMawro Ikraan X. Daa'uud oo xubin ka ah golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay Gobolka Awdal ayaa ugu horrayn iyada oo ku hadlaysa afka haweenka xisbiga KULMIYE ee xafladda soo abaabulay, waxay sharraxaad ka bixisay ujeeddada xafladdan iyo waxyaabaha kellifey, waxayna sheegtay in 27 iyo 31 May ay ahaayeen dhacdooyinkii keenay, sababtana u ahaa 18ka May, maalinta goonni – isu-taagga iyo qaranimada Somaliland oo dalka si ballaadhan looga xuso, balse iyaga la illaawey.

"Waxaad mooddaa in aynu inta badan dhacdadii 3aad ama [maalinta] goonni-isu-taaggii Somaliland mar walba soo qaadno oo si ballaadhan u xusno, " ayay tidhi Marwo Ikraan.

"Anigu waxaan qabaa – wax waliba bilow bay leeyihiin iyo dhammaade – in labadan maalmood ee xuskooda KULMIYE soo abaabuley aad mooddo inay taariikhda Somaliland ka baxay. Marka ujeedada aanu u soo abaabulney waa xasuusin – xag xukuumaddeed, xag bulsho iyo dhallinyaradaba – in bal labadan maalmood jadwalka lagu daro, " ayay raacisay.

Marwo Ikraan, waxay sheegtay in xafladdan ay ku beegeen 30ka May oo ay u qaateen inay tahay maalin kulminaysa oo u dhexaysa 27 May oo Burco la soo galay iyo 31kii oo Hargeysa la galay, si ay bulshooyinka labada magaalo aanay u arkin in la illaawey ama la qariyey maalintooda taariikhiga ah.

Marwo Ikraan, oo ka soo jeedda Gobolka Awdal, waxay ku dhiirratey in ay sheegto in dhibaatadii iyo xanuunkii soo gaadhey shacbiga Hargeysa iyo Burco ee taageersanaa SNM aanay ahayn mid dadka oo dhami u sinnaa, balse, waxay muujisay saamaynta dadban ee uu ku yeeshay qofkasta oo reer Somaliland ah iyo inay la qaybsanayso dareenka.

"Waxaan kale oo aan rabaa oo xusuusin iga ah, Maalinta 31ka May oo aan qabo inaan la qaybsanaayo naxdinta iyo xanuunka qayb dadkeenna ka mid ah, " ayay tidhi Xildhibaan Ikraan.

Waxayna raacisay, "Waxaan filayaa in aanay ina wada asiibin dhammaanteen [dhibaatadu] haddaan Hargeysa degganayn iyo haddaan baallaheeda deganaynba. Balse, waxa xasuus mudan inaan maanta isu taago oo qaybo waaxyahayga ka maqani ay run ahaan ku geeryoodeen Hargeysa – hadday Eeddo dhashay iyo haddii Adeer dhalay iyo haddii Aabahay dhalayba. Marka iyana xusuus bay mudan tahay. Waxaanan rabaa dadkaa aan soo xasuustay iyo intii la mid ahaydba, intii xaq ku dhimatay inaan faataxada u marno".

Waxa xaqiiqo ah oo had iyo goor soo noqnoqota in, inkasta oo xorriyadda, nabadgelyada iyo dowladnimada dadka reer Somaliland ku wada nool yihiin muddada 16 sannadood ahi ay ka dhalatay guushii SNM ka gaadhey dagaalkii ay kaga soo horjeeddey nidaamkii Keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre, dad badan oo reer Awdal ah ama guud ahaan beelaha darafyadu ay cuqdad ka qabaan SNM, dhib iyo dheef, wixii halgankii SNM laga dhaxlayna uu leeyahay reer, taas oo aan xaqiiqo ahayn. Ama dhinaca kale, haddii la soo hadal qaado halgankaas iyo SNMba loo hanjabayo ama aano lala daba socdo beelihii ka soo horjeedey SNM ee taageersanaa taliskii Siyaad Barre. Hase yeeshee, marwo Ikraan, waxay muujisay in dhibaatadii taliskaasi geystey iyo dheeftii halgankuba aanay ahayn mid cid keliya ku kooban; taas oo macnaheedu yahay in wixii lala dagaalamayey uu ahaa nidaam keli-talis ah oo aan cid keliya dhib ku hayn, SNM-na ay dadka reer Somaliland wada deggan ka xorraysay Rajiim beel-beel isaga horkeenay oo hubka isugu dhiibey, kuwaas oo xorrayntaas kadib ilaa iyo hadda ku wada nool nabadgelyo, walaalnimo iyo nidaam ku dhisan talo-wadaag.

Dhinaca kale, dhammaan dadka ka soo jeeda beelihii taageersanaa SNM ma wada ahayn SNM, kamana wada qaybqaadan halgankii SNM. Waxa jirey dad badan oo ka tirsanaa nidaamkii Siyaad Barre iyo ciidamadiisii, kana soo horjeedey SNM. Hase yeeshee, isa-saamaxaaddii guud ee SNM u fidisay beelaha Somaliland wadadega iyo aaya-ka-tashigii ay soo dhexdhigtay shacbiweynaha ayaa noqotay fursad uu ka faa'iideystey qofkasta, gaar ahaan dadkii ka soo jeedey beeshii taageeraysey SNM oo qofkasta oo ka mid ahi noqday SNM. Waxa iyana nasiibdarro ah, in qofkasta oo ka soo jeeda beeshaasi uu sheegto SNM, halgankiina loo rogo hayb. Waxaana maalinkasta la maqlaa ama la arkaa qof ka mid ah dadkii ugu dhodhowaa Siyaad Barre ama kuwii ugu daacadsanaa ee u shaqaynayey oo ku faanaya halgankii SNM ama cududdii SNM ku hanjabaya, taas oo ay sababtay taladii ka cayn-wareegtey SNM oo gacanta u gashay dad aan SNM ahayn – oo hayb kasta leh – taasina ay shiiqisay raggii soo halgamey ee SNM oo laga barabixinayey talada iyo maamulka dalka, isla markaana loogu daray ixtiraam darro iyo dacaayado.

Marka haddaba, Xildhibaan Ikraan X. Daa'uud ka soo jeedda Gobolka Awdal ay muujisay dareen ay ku midaynayso dhibaatadii taliskii Siyaad Barre ka soo gaadhey dadkii degganaa Hargeysa 31kii May 1988kii iyo gobolkeeda oo aanay toos ugu dhicin dhibaatadaasi, ayaa Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay xisbiga talada haya ee UDUB-na, waxa uu u hadlay dadka ka soo jeeda beeshii SNM taageeraysey ee aan ka qaybqaadan SNM iyo halgankeedii, isaga oo si farshaxan ah u metelay xaqiiqada ay tahay inay ku dhiirradaan dadka sidiisa aan SNM ahayn.

Xildhibaan Duur oo ka hadlay xafladdaa 30kii May, waxa uu noqonayaa masuulkii u horreeyey ee fagaare ka qirta in aanu SNM ahayn, halgankii dalkan lagu xorreeyeyna aanu ka qaybqaadan. Waxana uu hadalkiisa ku bilaabay su'aal uu isweydiiyey oo ahayd sababta loogu casuumay xafladda oo lagu xusayey maalin taariikhi ah oo ka mid ah halgankii SNM?.

"Markaan eego inta iga mudan ee halkan joogta. Markaan eego inaanan mujaahid ahayn. Waxaan isweydiiyey tolow maxaa laguugu yeedhayaa?" ayuu yidhi Xildhibaan Duur.

"Waxaan isugu jawaabey, malaha waxaa la doonayaa inaad metesho inta hal aanay lahayn maalaysa. Waxaan metelayaa intii maqnayd maalintaa maqnayd ee maanta calankan iyo ciiddan xorta ah hoos hadhsanaysa ayaan metelayaa caawa, " ayuu raaciyey.

Gaar ahaan, waxa uu sheegay in wakiil ka yahay oo u hadlayo inta talada dalka haysa ee ku jira golayaasha ee aan halgankaa waxba ku darsan, kuwaas oo uu iyagana sii kala saaray.

" Laba uun baanu noqonaynaa: Nin maalintaa hagardaamo ku darsaday iyo nin sidayda ka hawl yaraystay oo kaba maqnaa, " ayuu yidhi Xildhibaan Duur.

Xildhibaanku waxa uu sharraxaad ka bixiyey dareenkaas iyo arrimo kale oo la xidhiidha oo uu ku tirtirsiyey SNM, dhinaca kalena ama kooxdiisana uu ugu tilmaamayo xad-gudubyadooda.

La soco ...........

guryasame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 656
Joined: Tue Nov 22, 2005 4:48 pm

Re: The SNM revolution taking hold

Postby guryasame » Wed Jun 06, 2007 5:09 pm

'Waxaanu haynaa Ammaano raagtey': Dareenka xubno u hadlay dadka aan SNM ahayn... Qaybtii 2aad
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 6 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


"Laba uun baanu noqonaynaa: Nin maalintaa hagardaamo ku darsaday iyo nin sidayda ka hawl yaraystay oo kaba maqnaa, " ayuu yidhi Xildhibaan Duur.

Waxana uu sheegay isagu in uu ahaa Arday, waxbarashona uu kaga maqnaa Halganka.

Xafladdu waxay ahayd mid lagu maamuusayey guul taariikhi ah oo SNM ka gaadhey halgankii Hubaysnaa, waxay ahayd gudagalkii Burco iyo Hargeysa ee May 27-31 1988 oo fure u ahayd xorrayntii dalkan iyo jabkii taliskii Siyaad Barre iyo ciidamadiisii. Hase yeeshee, xuska maalmahaasi ma ahayn mid halgamayaashii SNM is-bogaadin iyo farxad isugu yimaaddeen. Waxay ahayd munaasibad kulmisey faan guuli keentay iyo hiif, cabasho iyo is-guubaabin hor leh oo ka dhalatay fara-madhnaanta ay ka taagan yihiin midhaha guushii halgankooda.

Hadalka xildhibaan Duur oo shucuur xoog leh xambaarsanaana waxa uu ahaa mid uu kaga jawaabayey hadallo dhiif iyo haaraan ah oo ay halkaa ka jeediyeen qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii ururkii SNM, taas oo uu dareemay inuu ka mid yahay cidda lagaga cabanayo inay ku jawr-falayaan halganka iyo halgamayaashii SNM. Waxaana laga yaabaa inay si gaar ah shucuurtiisa u gilgishey hadal ay madasha ka jeedisey haweeney u hadashay Hooyooyinka iyo Agoomaha SNM oo ka warrantay dayac badan oo haysta.

"Laakiin, markaan dareenka runta ah idiin sheego, " ayuu yidhi mudane Duur. "Hashaa aan maalaayo waxaa ii dheer Gardarro inaan ku daro, sababo badan awgeed. Ummaddu hadday taariikhdeeda iyo milgaheeda lumisa, waxa maala oo u hadha nin aan ehel u ahayn, " ayuu raaciyey.

"Waxaan maalayo haddii la igu qabsan waayo oo ummadda taariikhdeedu maydhanto, waxaan ku darayaa inaan ku dhiirrado wax badan oo aan markii hore indhaha ka laabi jirey, " ayuu yidhi Mudane Duur.

Xildhibaan Duur, waxa uu tusaale uga soo qaaday naftiisa sida isaga iyo dadka la midka ah ee ka maqnaa maalmihii qadhaadhaa ee halgankii SNM ay ula wareegeen talada dalka iyo halka uu ka soo bilaabmay hanka sii baahaya ee bulshadaas uu ka midka yahay. Waxana uu yidhi,

"Waxaan dalka imi anigu – arday baan ahaa runtii intii halgankaasi socdey – waxaan dalka imi dhawr iyo Sagaashankii iyadoo ummadda ay dhibaato badan iyo diifi ka muuqato. Waxaan is idhi Jaamacaddii iyo wixii aad baranayseyba waxaa kuu dhaami lahayd malaha adigoo mujaahidba noqda. Waayo, dee jaanisba wuu ii bannaanaan waayey."

"Laakiin, Geela marka ninkii soo xereeyey uu ka ciyaar-gudo nin aan ehel u ahayn baa iska maalaya dee hadduu cidlo noqdo, " ayuu yidhi.

Xildhibaan Duur oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee xisbiga talada haya ee UDUB, waxa uu cod-dheer ku yaboohiyey ammaano ay hayaan isaga iyo ragga la midka ah, taas oo uu ula jeedo talada iyo hoggaanka dalka.

"Ammaano maanta raagtey ayaanu haynaaa. Ammaano raagtey ayaanu haynaa, " ayuu ku celceliyey; taas oo macnaheedu yahay in talada ay ammaanada u hayaan ay ka maqan tahay SNM.

Hadalka Xildhibaan wuxuu aad uga duwan yahay Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo lagu tilmaamo – dadka ka soo jeeda beeshii SNM taageeri jirtey – kuwii ugu dhodhowaan Siyaad Barre oo uu danjire uga ahaa Kenya ilaa 1991 markii la ridey taliskii Muqdisho. Mr. Cawil, shir jaraa'id oo uu dhowaan qabtay waxa uu ku weeraray ururkii SNM iyo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasheedii Milateri oo uu ku eedeeyey inay u tudhi waayeen dadkooda markii SNM dalka qabsatay, dagaalna iskaga soo horjeesteen; balse, markii isaga la weydiiyey sababta uu ugu damqan waayey dadkiisa markii taliskii uu ka tirsanaa cadaadiska iyo gumaadka ku hayey shacbiga Somaliland, ku dooday inuu isaguba soo halgamey, taas oo uu uga jeedey Inqilaab fashilmay 1962kii oo la sheegay in koox uu ka mid yahay oo saraakiil Milateri ahi isku dayeen, kuwaas oo ka cadhaysnaa qaabkii loo maamulay Midnimadii Somaliland la gashay Soomaaliya. Waxa kale oo uu sheegay inuu ka soo horjeestey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya. Mr. Cawil, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in hoggaamiyayaashaas SNM laga yaabo inuu ku jiro han iyo himilo ah inay dalka hoggaamiyaan oo ay isu soo taagaan Madaxweynenimo. Xaqiiqdiina waa Kaaf iyo kala-dheeri.

Xildhibaan Duur, ammaanada uu ugu yaboohay, waxa uu ku sababeeyey werwer uu ka muujiyey xaaladda dalku ku socdo iyo in kuwa uu ka midka yahay ee talada maanta hayaa aanay xaqiijin karin himilooyinkii loo soo halgamey, isaga oo guud ahaanna, daraasad fiican ku soo bandhigay in halgankasta iyo wax kasta oo ummaddu u hanqal taagto lagu hungoobo markiiba.

"Halgankaa dalka lagu xorreeyey waxa la rabey in dadkiisu ku degaan. Guushaa lama gaadhin, ummadduna kumay degin, " ayuu yidhi Xildhibaan Duur, isaga oo sheegay in taariikhda Somaliland oo dhan tan iyo 1960kii ay ahayd mid ummaddu markasta u hiyi kacaysey qorax soo baxaysa, balse inta aanay duhurka gaadhin la hiifo.

Waxana uu tusaale u soo qaatay, sidii loo soo dhoweeyey Golaha Wakiillada ee uu ka midka yahay markii la doortay iyo sida hadda hungo iyo fara madhan looga taagan yahay rajadii laga qabey inuu wax qabto.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo la odhan karo, aragtiyaha Marwo Ikraan iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale, waa kuwo raalligelinaya mucaaridka ka soo horjeeda xukuumadda Madaxweyne Riyaale oo u badan mujaahidiintii SNM, haddana waa kuwo loo adeegsan karo in lagu daweeyo cuqdadaha aan la dafiri karin ee siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee shacbiga Somaliland ku baahsan.

Marwo Ikraan waxay si kooban u iftiimisay in dhibaatadii ku dhacday beesha badhtamaha Somaliland ee taageeri jirey SNM ay tahay mid si dadban u saamaysay beelaha kale ee Somaliland dega, taas oo macnaheedu yahay in beelaha Somaliland uu isu adeegsadey, colaaddana uu dhexdhigay taliskii Siyaad Barre, taasna ay daliil u tahay in markii SNM qabsatay Somaliland ay meesha ka baxday colaaddaasi, SNM-na dib u walaalaysay dadkii Somaliland wada degganaa. Waxayna dawo u tahay dadka saska iyo cuqdadda ka qaba SNM ee u arka haddii la soo qaado in iyaga loo hanjabayo ama lagu cabsi gelinayo.

Sidoo kale, garawshiinyaha Xildhibaan Duur iyo qirashada in aanu SNM ahayn, kana mid yahay dadka talada haya, ma wada aha guubaabo iyo baraarujin. Waa ixtiraamka iyo qiimaynta ay dadkooda iyo qarankooda ka mudan yihiin intii soo halgantey ee sababtay xorriyadda maanta Somaliland hadhsanayso. Waa abaalgud iyo cawil-celinta sidii deeqsinimada lahayd ee ay talada u hibeeyeen. Waxayna dawo u tahay cabashada halgamayaashii SNM ee ah in guushii iyo xorriyaddii ay keeneen ay u gacan-gashay kuwii ka soo horjeedey iyo dad aan u soo dhibtoon, intaasna ay u dheertahay in gujo iyo gardarro aanay geyin.

SNM way jiraysaa, mana noqonayso taariikh la dafiro ama la illaawo ilaa inta taariikhdu jirto, si kasta oo duruufo iyo xaalado ula soo dersaan. Suurtagalna maaha in Somaliland aad jeceshahay, laakiin, SNM aad nacdo. Sidaa darteed, waa in aragti Qaranimo lagu wajaho.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: The SNM revolution taking hold

Postby paidmonk » Wed Jun 06, 2007 5:17 pm

Begging Tony Blair for recognition is a struggle? Surprised

User avatar
*jr
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4992
Joined: Wed Jun 20, 2001 7:00 pm

Re: The SNM revolution taking hold

Postby *jr » Wed Jun 06, 2007 5:54 pm

[quote="paidmonk"]Begging Tony Blair for recognition is a struggle? Surprised[/quote]


ahahaha, or having former NSS warlord as their leader...They do levitate hypocrisy to higher level, don't they?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests