who is going to Mogadishu with such psychos walking around? wallahi all the people of xamar need to be put through rehab from war
Muqdisho: Nin waalan oo horay gabadhiisa ceeji ugu dilay oo maanta wiilkiisa ku gowracay Muqdisho.
15. June 2007
APL
Muqdisho(AllPuntland)- Nin madaxa loogu jiray oo lagu magacaabo Faarax Cali Siidow ayaa maanta ku gowracay wiilkiisa oo 8 jir ah deegaanka Bangaariyo oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Sababta keentay gowraca wiilka sideed jirka ah ayaa dad goob joogayaal ah aya sheegeen iney ka danbeysay muran u dhaxeeyay Aabaha dhalay wiilka iyo rag ay qaraabo yihiin oo uu la noolaa wiilka la gowracay kaasoo maalmahan loo diidanaa inuu kaxeysto Aabaha wiilkaasi.
Aabaha madaxa loogu jiray ayaa si sahlan ku gowracay wiilkiisa sideed jirka ah iyadoo aysan suuragalin in ay ka qabtaan dadkii goobta ku sugnaa balse qeyla dhaan kadib ay goobta soo gaareen ciidamo Boolis ah kuwaasoo rasaas kor ay u rideen kadib u suuragashay in ay xabsiga degmada Hodan ku xeraan.
Faarax Cali Siidow ayaa horay sidoo kale ceejo ugu dilay gabar uu dhalay oo sida la sheegay ay heysatay haweeney ay kala tageen taasoo diiday iney siiso ama uu wato gabadha halkaasina uu ceejo nafta ugu gooyo gabadhiisa.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dadka madaxa loogu jiro ay dhibaato u geystaan eheladooda ama dadweynaha kale ay magaalada kula nool yihiin iyadoo xiliyada qaarna dadkaasi waalan ay soo dhex galaan goobaha dagaalada ay ka socdaan ama ciidamadu ay xeraan taaso keenta in toogasho lagu dilo marka ay ka dhega adeegaan amarada ciidankaasi.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho



