Postby KUN-DILE » Sun Jun 24, 2007 10:00 am
Burco: Bayaan ka soo Baxay Guddiga Beesha Habar/yoonis
Burco (Jam)- Guddiga Beesha Galbeedka Burco ayaa kulan ay shalay la yeesheen madax-dhaqameedyada beeshooda waxay ka soo saareen bayaan ay ku xusan yihiin go’aamo dhinacyo badan taabanaya.
Nuqul ka mid ah bayaanka ay soo saareen Guddiga Beesha Galbeedka Burco oo xalay soo gaadhay Jamhuuriya, isaga oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan:
“Shir ballaadhan oo ay maanta [shalay] isugu yimaaddeen Guddiga Beesha H.Yoonis iyo Guddiga Cuqaasha Beshu kana guriga Guddiga ayaa si weyn loogu fallanqeeyay arrimaha masiirka ee beesha ay matelaan, nabad kuwada noolaanshaha beelaha reer Somaliland ee dantu ka dhaxeyso, nabadgelyada guud, arrimaha siyaasadeed ee maanta taagan iyo kuwo ku soo socda, doorashooyinka soo fo oleh iyo kaalinta masiir ee beeshu ku leedahay.
Sidaas awgeed, dood iyo fallaqeyn dheer kadib waxay labada gole ee (Guddiga iyo cuqaashu) soo saareen go’aankan Hoos ku qoran:
-Maadaama ay soo fool leeyihiin xilliyadii doorashooyinka D/hoose iyo Madaxtooyadu lagama maarmaana ay tahay in beeshu masiirkeeda siyaasadeed ka tashato, waxa labada gole go’aamiyeen in talada beesha laysla sugo si ay uga qaybqaataan waxgaradka beesha ee kala jooga degaamada kala duwan ee beeshu degto iyo qurbo-joogga dibadda ku nool.
-In cidda keliya ee go’aanka beesha leh waa Salaadiinta, Cuqaasha iyo Golaha Guurtida, iyagoo la kaashanaya ciddii ay talo kala maarmi waayaan, isla markaana aanay jirin cidkale oo meteli kartaa beesha, kuna hadli kartaa afkeeda, haddii aan loo igman.
-Beesha go’aankeeda masiir ee siyaasadeed uu yahay meesha danteedu uga muuqato, isla markaana jiritaanka Somaliland uu yahay lama taabtaan oo aan raali laga noqon Karin cid kasta oo ka hortimaadda.
-In aanay jirin xisbi siyaasadeed oo wakhtigan xaadirka ah beeshu la gashay wax wadahadal ah.”
Xubnaha Ku saxeexnaa Bayaankani waxay kala ahaayeen.
Cawil yuusuf dhiif..Gud, Guddida Beesha,
-Ibraahin Yuusuf Diiriye..K/xigeen.
-Cali Maxamed Maxamuud
-Xasan Xuseen Faarax…. Xoghayaha
-Chief Caaqil..Cali Maxamed Colojoog.
-Chief Caaqil, Cali C/llaahi Muuse
-Chief Caqil Maxamuud Yuusuf Cawil.
-Chief Caaqi..Cabdi Cumar Aw Diiriye
Chief Caaqil Baashe C/llaahi Ibraahin
- Chief Caaqil, Cumar Suaal Cali kaar
- Chief Caaqi Xirsi Diiriye Qulaan
- Chief Caaqil Xayd Ismaaciil Jaamac
- Chief Caaqil Faarax Xuseen Gaabush.