This is wrong action from the TFG forces ICU leaders families had nothing to do with Somali politics and should be protected
http://www.horseednet.com/horseednet.php?id=7637
Wiil uu dhalay mid ka mid ah madaxda maxaakimta islaamig ah oo Muqdisho lagu dilay
Last Updated::2007-06-29 17:48:51
TopStoryMuqdisho:-Sida uu goordhawayd u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua ku xigeenka madaxa ciidamada boliska gobolka Banaadir Abdullahi Hassan Barise Waxaa shalay Khamiisti ay
ciidamada boliska DFKMS aytoogasho ku dileen Cabdil qawi Cabduraxmaan Janaqow oo aabihii ku xigeen ka ahaa golahii ururka Maxaakimta Islaamig ah.
Waxaa uu Abdullahi Hassan Barise intaa ku daray in Cabdul qawi uu ka mid ahaa hogaamiyasha kooxaha kacdoonka kawada Muqdisho isla markana khaarijayay saraakil ka tirsan DFKMS.
Waxana uu sheegay in ciidamada bolisku ay dileen Cabdul qawi kadib markii uu magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah saraakisha dawlada.
Barise waxaa uu sheegay in dilka Cabdulqawi ay tahay talaabo loo qaaday dhinaca xasilooni ku soo dabaalida magaalada Muqdisho
Barise waxaa uu intaa ku daray in ciidamada bolisku ay ku raad joogaan saddex kale oo iyaguna ka dameeyay khaarijinta gudoomiye ku xigeenkii degmada Dayniile.
Waxana uu sheegay in arrintani ay cashar u noqon doonto kuwa rabshadaha ka wada Muqdisho.
Cabduraxman Janaqaw iyo xubno kale oo ka tirsan hogaamiyashi maxaakimta Islaamig ah ayaa waxaa ay ku sugan yihiin magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.




