Faysal Waraabe'' Riyaale Wuu Ku saxsan Yahay Xadhiga Uu Xidhay Dr. Gaboose
(Hargeisa}30.7-7
Faysal Cali waraabe oo sheegay in masuuliyiintii Qaran ee jeelka mandheere uu u taxaabay Daahir Riyaale ku saxsanaa sababtoo ah buu yidhi Ururkaas ayaan ahayn mid jira ...........................
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee maamulka labaxay Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaada in go'aankii maamulka uu ku xidhay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Qaran uu ku saxsanaa, isagoo sheegay in xisbigaasi aanu aheyn mid jiraba.
wuxuuna intaa uu sii raaciyay in dastuurka u degan uu yahay mid ogolaanaya in la dhiso oo kaliya seddex xisbi siyaasadeed, kuwaasi oo la sameyn doono buu yidhi ka dib markii ay ogolaansho helaan.
laba casho kahor bay ahayd markii uu Daahir Riyaale Kaahin xabsiga mandheera ku hubsaday Guddoomiyaha ururka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Guddoomiye kuxigeenka ururkaas INj.Maxamed Xaashi Cilmi iyo masuuliyiin kale




