650 ayaa lagu dilay gobolka Soomaalida Ethiopia
Idaacadda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidammada Ethiopia ay ku dileen dileen gobolka Soomaalida ee Ethiopia in ka badan 650 ruux oo mucaarad ah.
Idaacaddu waxay sheegtay in dadkaas lagu dilay hawlgal ay ciidammada Ethiopia ka fulinayeen gobolka tan iyo bishii May ee sannadkan.
Raadiyaha Addis Ababa waxaa uu yiri: Ciidanka Ethiopia, oo kaashanaya hoggaamiyayaasha dhaqanka ee degaanku, waxay dileen dadka nabad-diidka ah intooda badan.
Wasiirka Difaaca ee Ethiopia, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in in ka badan 200 oo fallaago ah lagu dilay gobolka bishii July.
Dadka la dilay waxay isugu jiraan, sida ay idaacaddu sheegtay, 500 oo ruux oo ka tirsan jabhadda ONLF, 147 ka tirsan Jabhadda Oromada ee ONLF iyo 8 ka tirsan ururka al Itixaad.
War ay soo saartay jabhadda ONLF, waxay beenisay sheegashadan, waxayna ku tilmaantay in ciidankeeda aan wax weyn oo isu dhimay jirin.
ONLF waxay tiri Ethiopia si buuxda gacanta uguma hayso gobolka Ogaden.




