Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi

Postby Hiiraan boy » Sat Aug 11, 2007 2:15 pm

Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi Xaamud ee Habaryoonis.

Ku: Dawlada Somaliland
Ku: Dhamaan Odayaasha, iyo Cuqaasha Somaliland
Ku: Dhamaan Odayaasha iyo wax garadka Beesha Habar-Yoonis
Ku: Guud ahaan dadka wax garadka ah ee gobolka Sanaag.
Ku: Ururadda Haweenka Somali-land.
Ku: Ururadda Xuquuqul Insanka Somali-land.

Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi Xaamud ee Habaryoonis.

Waxaa soo gaadhay odoyaasha, aqoon yahanadda, culima`udiinka iyo wax garadka qurba- joogta Beesha Gabooye xaalad cakiran oo ku saabsan gabadha la yiraahdo Khadra Yuusuf Cige oo u dhalatay beesha Gabooye.Waxay sheegatay Beesha Cabdi Xaamud ee Habar-yoonis ee degan Ceerigaabo in ay dhaleen gabadha oo ay ka luntay ama la waayey iyadoo saddex jir ah.Hadaba waxaa dadka xog-ogaalka ah ee Beesha Gabooye caddeeyeen in gabadha ay u dhalatay Beesha Gabooye oo ay xitaa joogto Umulisadii ka dhalisay hooyadeed iyo hooyadeedba. Gabadha, Khadra, waa hooyo hadda umushay oo leh nin si sharci ah ku qaba. Waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada gobolka si looga hortago isku dhac. Gabadha waxaa loo diiday in ay ku laabato gurigeedii iyo ninkeedii xagga amaanka awgiis. Waxay gabadhu ku nooshahay welwel iyadoo Umulan in ka yar hal bil.

Waxaanu in badan xidhiidho badan la samaynay Gudoomyaha Gobalka Sanaag(Mudane Cali Cabdi Hurre), Duqa magaalada Ceeri-gaabo(Mudane Ismaacil Xaaji Nuur),gudoomyaha maxkamadda gobalka Sanaag(Axmed Saalax Yoonis),wasiirka arimaha gudaha Soomaali land(Mudane C/laahi Ismaciil Cirro), qaar ka mida oday dhaqameedada ugu caansan soomaaliland sida boqor Cisman ow-maxamuud(Buurmadow) iyo ugaaska beesha Cabdi Xaamud ugaas Rashiid.waxaanu dhamaan u cadaynay waxgaradkaasi iyo madaxdaasi kor ku xusan in ay beesha gabooye diyaar u tahay wax kasta oo lagu kala bixo karo, sida shareecadda islaamka,sharciga Soomali-land, xeerar dhaqameedka soomaalida iyo waxkasta oo keeni kara in si nabada lagu xaliyo arintan., laakin beesha Cabdi-xaamud ee ku sugan magaalada Ceeri-gaabo waxay dhagaha ka furaysteen wax kasta oo waan waan lagu gaari karo waxayna door bideen in gabaadhaas umusha ah oo aan wax dabi ah qofna ka galin isteeshinka booliska lagu hayo, haddii la sii dayn lahaana waxay go’aan sadeen in ay si xoog ah ku kaxaystaan.

Waxaa kaloo na soo gaadhay in Beesha Cabdi Xaamud ee Habar-yoonis ay rabaan in ay xoog iyo kaa itaal rooni xaalada u isticmaalaan iyagoo aan tixgelinay amarada dawlada Soomaaliland iyo dadka wax garadka ah ee degan gobolka. Waxaa Beesha reer Cabdi Xaamud ay diideen in lagu kala baxo:

1. Shareecada Islaamka
2. In dhiig la qaado (DNA)
3. Wax lagu Xaliyo xeer dhaqameedka Soomaaliyeed
4. Waxay diideen amarada maxakamada gobolka Sanaag.
5. Waxay ka dhega adaygayaan in ay dhegaystaan madaxda dawlada
Somaliland iyo Cuqaasha iyo odayaasha gobolka.

Waxaa cad in arrintan Beesha reer Cabdi Xaamud ay raadinayaan danno gaar ah oo ka duwan waxaa ay sheeganayaan. Haddaba waxaa Beesha Gabooye ugu baaqaysaa in ay Beesha Cabdi Xaamud eeHabar-yoonis ee arrintan ku doodayaa ay joojiyaan qalalaasaha iyo in ay xoog ku muquuniyaan qabiilka ay ka tirada badan yihiin. Arrinta ay ku doodayaana waxaa jira wax yaalo badan oo lagu cadayn karo iyadoo aan dhibaato cidna loo geysan taas oo muddan in wadada ugu haboon loo maro. Waxaan Madaxda dawlada Somaliland iyo wax garadka Beesha reer Cabdi Xaamud ugu baqaynaa in arrintan si nabad gelyo ah lagu xaliyo. Waxaan Guud ahaan qabiilada Soomalida ee gobolka dega gaar ahaan Beesha Habar yoonis in ay arrintan u guntadaan oo ay nabad ku xaliyaan.

Guud ahaan dadka reer Soomaaliland waxaan ka codsanaynaa in ay ka hortagaan oo ay joojiyaan xaqdaradann aan salka lahayn ee ay rabaan Beesha reer cabdi Xaamud. Waa in aan ixtraamnaa diinteena Islaamka oo aan xusuusanaa Xaddiiska nebiga (N.K) in gacanta la qabto qofka xaqdarada wada ee aan lagu taageerin. Waa in la tixgeliyaa nabada iyo wada noolaanshaha dadka ku nool gobolka.

Baaqan waxaa soo saaray Beesha Gabooye ee qurba-joogta ah.

webmaster@dulmane.com

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi

Postby Hiiraan boy » Sat Aug 11, 2007 2:15 pm

whats gabooye???

never heard of them

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi

Postby LiQaaye_TDH » Sat Aug 11, 2007 2:31 pm

This is some old story..

Gabooye is Midgaan


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 28 guests