Dagaal la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa goordhaweyd ka bilowday deegaano ka tirsan degmada Heliwaa, iyadoo dhinaca kale Weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaaday Agagaarka warshadii hore ee baastada iyo dhismihii Xeyle Bariise ee degmada heliwaa oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.
Iska horimaadkaan oo bilowday abaaro caawa 10:15 Pm ayaa ah mid aad u culus waxaana uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda ee fariisinka ku leh aagagga Wasrhadii Barafuunka, isgoyska SOS, Shineemo Cabdi Waayeel iyo kooxo kale oo hubeysan oo halkaasi weerar ku soo qaaday.
Dagaalkaan ayaa ah mid ka soconaya aagag kala duwan oo ku yaala degmada Heliwaa.
" Waxaanu dhulka ku heynaa bogga, waxaan isku aadineynaa darbiyada, madaafiicda iyo rasaasta dusheena ayaa la isku weydaarsanayaa, dhulka oo idilna waa Iftiin" Ayuu yiri Anwar Maxamed oo teleefoonka uu Shabelle kala soo xiriirey laga maqlayay rasaas culus.
Qaraxyo loo adeegsanayo baasuukayaal ayaa halkaasi si weyn looga maqlayaa sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.
Lama oga wali qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaan oo wali soconaya, iyadoo la maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo.
iska horimaadkaan ayaa waxa uu bilowday waxyar ka dib markii Madaafiic Hoobiyeyaal ah lagu weeraray fariisimada ciidamada Ethiopia ee warshadii hore ee Baastada iyo dhismaha Xeyle Bariise ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Ilaa 10 qarax oo hoobiyeyaal ah ayaa laga maqlay halkaasi, iyadoo wali aan la ogeyn in hoobieyeyaashaasi ay ku dhaceen xarumaha warshadii hore ee Baastada iyo dhismaha Xeyle bariise oo fariisin u ah ciidamada dowladda Ethiopia.
Lama soo sheegin wali wax jawaab ah oo ciidamada Ethiopia ay ka bixiyeen weeraradaasi hoobiye oo lagu qaaday, iyadoo walina ay dhacayaan madaafiicda.
Lama oga wali kooxaha ka dambeeya weerarkaan Hoobiye oo bilowday 9:20 Pm.
Waa weerarkii 3aad oo caawa ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo caawa fiidkii weeraro bambaano lagu qaaday xarunta degmada Shibbis iyo saldhigga degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maanta labaatan ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda ay ku geeriyootay qaraxyo iyo tacshiirado kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
..
mujaahidiinta guusha allaha siiyo axmaaar+dabadhilif AIDISKA QABA allaha jabiyo




