Mogadishu 22, August 07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegtay in lala socon doono qudbadaha laga jeediyo masaajidyada magaalada Muqdisho, isla markaana la kormeeri doono.
Shir Jaraa'id uu maanta ku qabtey xarunta gobolka Banadir agaasimaha wasaaradda diinta iyo Owqaafta Sheekh Cali Dheere ayaa waxa uu ku sheegay in lala socon doono qudbadaha ka baxa masaajidyada Muqdisho, iyadoo la sameyn doono tiri koob ku aadan masaajidyada.
Sheekh Cali Dheere ayaa waxa uu sheegay in waqti cayiman laga adimi doono masaajidyada, iyadoo hal waqtina la wada soomi doono marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan ee fooda nagu soo heyso.
_________________________________________________________________
Sh. Ali Dheere is in his 70s and still kissing arse, some people have absolutely no dignity....
General Gabre sure has some big cajones!!




