Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Shirweynihii Cilmibaadhista SSIA iyo Dr. Hussein Adam (Tanza

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Shirweynihii Cilmibaadhista SSIA iyo Dr. Hussein Adam (Tanza

Postby XidigtaJSL » Sat Aug 25, 2007 7:57 am

Shirweynihii Cilmibaadhista SSIA iyo Dr. Hussein Adam (Tanzani)

Waxaa shirweynahan loo yaqaan Somali Studies International Congress uu ahaa kii 10aad, iyadoo isla markaa loo dabaaldegayey sannadguuradisii 30aad. Shirweynahan waxaa uu ka dhacay Magaalada Columbus, Ohio iyadoo ayna martigelisay Jaamacadda weyn ee Ohio State University. Waxaa shirkan sidoo kale hore u martigelisay Hargeisa University.

Waxaa shirweynhan lagu soo qaaday cilmibaadhisyo kala duwan oo inta badan khuseeyey Somalia iyo dhibaatooyinka xaadirka ah ee haysta. Waxaa lagu casumay oo ka soo qaybgashay gabadha u qaabilsan U.S geesska Africa oo iyadu halkaa ka sheegtay mowqifka mareykanku ka taaganyey Dawladda ku meelgaadhka ee Somalia oo ah inay waqtigan xaadirka ay tahay inay taageeraan cidii wax wadda, waxay ka loo sheegtay inay tahay mid transition ah oo aan xidid weyn ku lahaan doonin mustaqbalka siyaasadda Somalia.

Waxaa shirkan quwad weyn oo baaxad leh ku lahaa Dr. Hussein M.Adam (Tanzani) oo ah ninka shirkan aasaasay muddo 30 sannoadood laga joogo. Waxaa Dr. Adam si gaar ah oo xushmadi ku ladhantay loogu sameeyey Casho Sharaf ay ka soo qaybgaleen Professors, Siyaasiyiin, publishers, iyo dadweyn aad u fara badan oo shakhsi shakhsi loogu soo casumay Cashadaa. Waxaa aad goobtaa loogu dheeraaday taariikhdii Dr. Hussein Adam. Aydoo halkaa lagu xusay dhalashadiisii magaalada Arusha, iyo horumarkiisi tacliimeed ee taxanaa ilaa uu noqday Somaligii ugu horreeyey ee ka qalinjabiya isagoo da’diisu ka yartay 30 jir jaamacadaha qiimaha weyn leh IV league loo yaqaan sida Harvard University.

Waxaa goobtaa isaguna ku soo bandhigay buugga cusub ee uu qoray Dr. Hussein Adam nin ka madaxa u ah Red Sea Press. Buuggan oo magaciisa la yidhaa “From Tyranny to Anarchy- The Somali Experience” www.africaworldpressbooks.com soona baxay August 2007 waa buuggi sagaaalaad ee uu qoro Dr. Hussein. Waxaa kaloo aqoonyahankani si isdaba jog ah u soo saara qoraallo siyaasadee kuwaas oo lagu daabaco qoraallada iyo



wergaysyada waaweeyn ee dunida. Waxaa kaloo uu aqoonyahankan u dhashay Somaliland yahay ninka ka Chairman ka American Peace Institite qaybta Somalida, isla markaana dejiyey qaabka uu u dhisanyey ururka IGAD ee dawladaha Horn of Africa ku bahoobeen.

Haddaba gunaanadkii shirweynaha ayuu Dr. Hussein ku soo hadalqaaday shirka sababaha ay Somalia ay nabad uga aflixiweyday. Wuxuu si weyn uga hadlay inay meesha ka maqantay iska indhotirka Waddanka Somaliland iyo hormarka nabadeed ee ay gaadhay. Tan iyo intii shirku socday marnaba lama sheegin Somaliland ayuu yidhi Dr. Hussein isagoo ku daraya kalmadahan ‘kani waa gabagabadii shirka waqtigan aan halkan taaganay, waxaa dhexdeenna jooga oo aynu marwalba iska indhotiraynaa Maroodi weyn “The elephant in the room” kaas oo marna ina dhexjooga marna hareeraheena jooga oo kolba meel kaga jira qolkan aynu fadhinno. Hadda maroodigu maaha xayawaan ama wax qofka indhahiisu qaban Karin, ee waa wax laxaadka buuxa ee intaa le’eg ilaah siiyey. Haddaba, maxaynu u arki weynay oo aynu iska indhotiraynaa? Maroodigu waa Somaliland oo baaxadda intaa leeg leh, taas oo ayku gaadhay horumarka dhanwalba leh ee aynu aragno. Markaa lama dafirri karo ee waa inay Somalia ku dayataa oo ay u qirtaa si ay meeshay mareen u marto.” Markuu intaa yidhi ayaa dadkii uwada sacab tumeem.



Waxaa uu aqoonyahanku ku caddeeyey halkaa Somaliland inay xortay oo aan ku dayashadeeda laga maarmayn, dadka aqoonyahannada sida kuwa shirka ka qaybgalyana ay xaq ku tahay inay siiyaan ahmiyad dheeraad ah Somaliland iyo horumarkeeda.

Issa Awaleh



USA.

Dr. Hussein Adam, A member of the Holy Cross faculty since 1989, Adam received his B.A. from Princeton University, M.A. from Makerere University College, Uganda, and Ph.D. from Harvard University. His teaching and research interests include comparative politics, social and political thought and international development. His recent published work includes “Horn of Africa” in the book State of the Race, (Diaspora Press) and “Somalia: International versus Local Attempts at Peacebuilding,” in Durable Peace: Challenges for Peacebuilding in Africa (University of Toronto Press). He also served as co-editor of War Destroys, Peace Nurtures: Reconciliation and Development in Somalia (Africa World Press) and has a forthcoming book on Somali politics due in August 2007, From Tyranny to Anarchy: The Somali Experience (Red Sea Press).

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 59 guests