Postby Cilmiile » Sun Aug 26, 2007 9:56 pm
Muqdisho(AllPuntland)- Dowlada KMG Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa war ka soo baxay ku sheegtay maanta in la joojiyay duulimaadkii diyaaradeed ee gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya hadana loo yaqaano Maamulka Somaliland.
Dowladu waxa ay sheegtay in talaabadan la qaaday markii la helay in Shirkadaha diyaaraduhu ku xad gudbaan Duulimaadka dowliga ah kana horyimaadeen amaro ay soo saartay Hay'ada Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya oo maanta warkaan soo saartay.
Waxaana sidoo kale lugu sheegay Warkan in Shirkaduhu sameeyaan waraaqo been Abuur ah oo kuwaasoo ay ugu talagaleen in ay dadku ku dhoofaan ,ayadoo lasheegay in la joojiyay ilaa amar danbe oo ka soo baxa Hay'adda Duulista iyo saadaasha hawada Somaliyeed.
Talaabadan ay qaaday dowlada Soomaaliya ayeysan ilaa hada ka hadlin Masuuliyiinta shirkadaha Duulimaadyada iyo Maamulka Somaliland ee lajoojiyay in ay tagaan Diyaaradaha taga Magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi ka taliyo.
Magaalooyinka la mamnuucay in ay diyaaraduhu tagaan ayaa kala ah Muqdisho, Hargeysa, Muqdisho, Ber Bera iyo Hargeysa Muqdisho,ayadoo maalin walba diyaaraduhu isku maraan magaalooyinkaasi oo dhan ,ayadoo talaabadan lasheegayo in la doonayo in lugula xisaabtamo Shirkadaha Diyaaradaha.
Warkan ay maanta soo saartay Hay'ada Duulista iyo Saadaasha hawada Somaliyeed ayaa umuuqda mid ladoonaya in waxyaabo badan oo khaldanaa lugu saxo ,waxaana ku saxiixnaa maareeyaha Guud ee Hay'addaasi oo la yiraahdo Max'uud Sheekh Cali.
Waana markii ugu horeysay oo war noocaan oo kale ah ay soo saarto dowlada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya isla markaana waxaa lafilayaa in dhawaan xal kama danbeys ah laga gaaro.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland