Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

bimaal dir rasaasta ka dhamaatey kkkkkkkkkkkkkkkk they waiti

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

bimaal dir rasaasta ka dhamaatey kkkkkkkkkkkkkkkk they waiti

Postby Hiiraan boy » Mon Sep 17, 2007 3:18 pm

Dagaalka Marka oo Istaagey iyo abaabul xooggan oo ka socda Duleedka Marka:

Dagaalkii weynaa ee maanta labada jeer ka dhacey Xarunta Gobolka shabeellada Hoose ee Marka ayaa mar dhow istaagey dagaalkaas oo u dhaxeeya malleeshiyaadka beesha Habargidir oo uu horkacaayo Nuuriye Cali Faarax iyo ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal dagaalkaas ayaa waxaa ka qeybgaley ciidamo ka socda shirkadaha isgaarsiinta,kuwa xawaaladaha iyo ciidamada ilaaliya hay’adaha gargaarka ee Marka deggan kuwaas oo dhmaantood ah Beesha Habargidir.

Qasaaraha dagaalka ayaa dhinaca beesha Biimaal waxaa ka dhintey 2 ruux oo guryahooda loogu galey dabadeedna la diley, halkaciidamada dagaalamaya uu ka dhintey hal qof waxana ka dhaawacmey 3 ruux sida uu noo sheegey nin ciidan ah oo ka madax banaan labada dhinac.Beesha Habargidir ayaa waxaa ka dhintey 4 qofood oo ah ciidanka dagaallamaya,halka dhaawacuna uu yahay 4 kale.

Dagaalka ayaa istaagey ka dib markii ciidanka beesha Biimaal ay ka dhamaatey rasaastu,ka dibna ay dib uga gurteen halkii uu dagaalku ka socdey,waxana markii ay ciidmadu dib u gurteen malleeshiyaadkii Nuuriye Cali Farax boob u geysteen dukaamo ay iska leeyihin shacabka xaafadda deegaanka Buulo jaan.

Waxana gudaha iyo hareeraha Marka haatan ka socda abaabul dagaal oo aad u ballaaran oo ay wadaan ciidanka Biimaal ee banaanka u baxey ka dib markii ay heleen saanaddii iyo rasaastii ka go’dey,waxaana cabsi weyn laga qabaa in saacadaha soo socda dagaalku mar kale dib u qarxo,waxaa gebi ahaanba xirmey ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha magaalada Marka.

Sidoo kale maaleeshiyaadka Beeraleyda habargidir ee nawaaxiga Janaale ayaa waxay wadaan abaabul dagaal oo ay ku taageeryaan ciidamadooda ka dagaalamaya gudaha Marka Inkasta oo waddada dheer ee Marka iyo shalanbood ay xireen Ciidanka Militeriga ee halkaas ku sugan.

Ilaa hadda ma jirto wax masuul Dowladeed oo ka hadley dagaaladaas,xitaa waxaan ka hadllin maamulka Gobolka gobolka shabeellada hoose oo xaruuntiisa uu dagaal ba’ani ka dhacey,qaar ka mid ah masuuliyiinta oo aan la xiririey ayaa ku gaabsadey,inay arrintani u taallo dowlladda kumeelgaarka ah.

Warar aan ka soo xiganney ilo kala duwan ayaa tibaaxaya inay halkaas u ambabixi doonaan ciidamo ka tirsan kuwa militeriga Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiyaan ah si ay u kala dhaxgalaan malleeshiyadka diriraya,taas oo aan la garaneynin xilliga ay dhaci doonto.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmey xilli ay dalka ka wada maqan yihiin 3 masuul ee ugu sarreeysa xukuumadda Soomaaliya ee madaxweyanaha, Ra’iisulwasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo haatan marti u ah Boqor Cabddalaha sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka Marka ka billowdey ayaa wuxuu horseedi karaa dagaalo kale oo ka dhaca gobolka kaas oo lagu diidan yahay malleeshiyaadka Beesha Ceyr iyo maamulkoodaba oo lagu sii xoojinayo degmooyinka Gobolka shabeellada Hoose sida tan ka taagan Wanlaweyn oo kale.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 100 guests