
War deg deg ah Rasaas xoogan iyo qaraxyo ka dhacay deegaanka Albaraka iyadoona iskahorimaadna uu ka socda Wasaarada Gaashaandhiga
Muqdisho
Qaraxyo iyo rasaas ayaa hada ka dhacaya xaafada Albaraka waxaana weerar lagu qaaday xarumaha Gaashaandhiga iyadoona la maqlayo xiligaan rasaas cul culus oo ka dhaceysa labadaasi aag.
Dagaalka caawa oo ku soo aaday kadib markii deeganadaasi ay xalay ka dhaceen dagaala cul culus oo u dhaxeya kooxaha kacdoonka kawada Muqdisho iyo ciidamada Itoobiya iyadoona warar lagu kalsoonyahay ay sheegayaan dagaalki xalay in lagu dilay ciidama badan oo Itoobiyaan ah kuwaas oo meydadkoodii saakay ka aruursday deeganadaasi xili ay xirteen cidamadaasi saakay wadooyinka soo gala Gaashaandhiga
Dagaalka caawa oo ah mid aad u culus oo aan laga sheekeyn karin qasaarahiisa xiliga lagu jira oo mugdi ah lehna cabsidiisa.
Muqdisho oo ah meel cabsi badan ayaa xiligaan u muuqato meel leysaga haajiray oo ay isugu hareen kooxa ugaarsiga ka dhaxeya




