Ciidamda Puntland Ee Jiida Abeesalay Oo Ay Wehelinayaan Itoobiyaan
(Laascaanood}23.9-7
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamo aad u fara badan soo buux dhaafiyeen Deegaanada Puntland ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah..........................................
warka ayaa intaa ku daraya in imaanshaha Ciidamada Ethiopia ee Deegaanada Puntland ay ka dambeysay dalab uu Madaxweyne Yuusuf uu sameeyay, kaasoo ku aadan gacan siinta Puntland oo dagaal kala dhaxeeya Maamulka Somaliland. .
Ciidamada Ethiopia oo wata Gawaadhida Dagaalka ayaa lagu arkay Degmada Burtinle iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo imaanshaha Ciidamadaas ay hadal heynteedu aad u badatay. .
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar marsiiyo u raadinaya sidii Ciidamada Ethiopia ay ugu dhinac dagaalami lahaayeen Maamulka Puntland oo haatan Ciidamadooda iyo kuwa Somaliland ay is hor fadhiyaan, dhowaana dagaal dhex maray .
Qorshaha Madaxweynaha ayaa ah in Somaliland ay ku sugan yihiin rag ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo sida rag ku dhow dhowna ay sheegayaan in ay hurinayaan Dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland. .
Hadal uu dhowaan Jeediyay madaxweyne Kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac ayaa waxa uu ku sheegay in Isbaheysiga Xoreynta ee laga dhawaaqay Asmara ay wadaan dagaalka, balse Mas'uul ka tirsan Somaliland ayaa warkaa gaashaanka ku dhuftay. .
Dadka odorasa Siyaasada ayaa shakiyo kala duwan ka muujinaya Tagitaanka Ciidamada Ethiopia ee Puntland, taasoo ay sheegayaan in Maamulka Addis Ababa wado qorshe Somaliland iyo Dowladda Soomaliya hal uga dhigayo, taasoo hoos timaada Dowladda Ethiopia. .
:::Widhwidh Online Desk Media Center
http://www.radiowidhwidh.com/html/modul ... e&sid=8101




