Waarsangaliga dowyada Sanaag daalashka u jooga
Walow uu diwaanka ugu jiro daabaca iyo buuga
Ee deex iyo ilaa Ceerigaabo degayo reerkoodu
Ee Bariyo dibir Nugaaleed iyo jira duudihii Soolka
Oo aan duulna magantood ahayn e Qaran ku daaqaaya
Oo aad shalayto soo doonatee weerarka u duubtey
Difeertada kasoo bixi karta iyo digada qiiqeysa
Kala didan waxaad damacday iyo diiga ciyayaaye
Waa shan hal oo digniin kuu filan ee maad iskaga deysid
Dayibta iyo xidiga iyo cashaa dahabka yaal yaala
War darsanka iyo dhaymantaa damucu kuu qaadey
Ingiriisba wuu day-dayayoo daah ka furi waaye
Sayidkii ku daan-daan wuxuu ciidan soo dumaye
Iqwaankiina waatii uu dagayoo ay duhur kasaareene
Deyrbaa isaga meyrsan iyo dabiyo baaruude
Dacarna lagu dhintaa weeye iyo muriyo deebaaqe
War ninkastoo is deyr-deyro oo dibiyo xoog sheegta
Guul lagama soo daa-dahsho ee maad isaga deysid
Mohamed IndhaRuqul




