“Guushii Milaterigu Way Dhammaatay, Waxana Garab Socota Guushii Siyaasadda”. Gudoomiye K/Xigeenka 2aad ee G.Wakiillada.
“Guushii Milaterigu Way Dhammaatay, Waxana Garab Socota Guushii Siyaasadda”. Gudoomiye K/Xigeenka 2aad ee G.Wakiillada.
Hargeysa(Golis)-Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Golehaasi Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay xukuumada Somaliland dedaal ugu jirto sidii maamul ay ku midaysan yihiin bulshadu looga dhisi lahaa Gobolka, isla markaana wax looga qaban lahaa adeegyada arrimaha bulshada.
Md. Baashe waxa uu sidaa ku sheegay xog-warran kooban oo uu siiyey Golisnews, waxana uu tibaaxay in maamulka Gobolku kulamo la yeeshay cuqaashada iyo issimada, si la iskaga kaashado qabyo-tirkiisa. Mar uu ka hadlayey xaalada Gobolkana waxa uu yidhi:-“Xaaladda gobolka Sool aad bay u wanaagsan tahay, wax dagaalo ah oo socdaa ma jiraan, waxa socota wacyi gelintii dadka lagu soo dhoweynayay, markaa imika waxa laga shaqaynayaa sidii loo dhisi lahaa nidaam maamulkiisu dhisan yahay”.
“Waxa weeye xildhibaanadii iyo wasiiradii ka soo jeeday gobolka Sool, intooda badani way ambabaxeen, si ay meesha isugu tagaan oo nin waliba beeshiisii ula hadlo, markaa waxa bilaabmay wada hadal laga yeelanayo maamul loo dhan yahay, markaa wada hadaladaasi maanta (Sabtida) ayay bilaabmayaan, markaa guushii milaterigu way dhammaatay, waxaa markaa garab socota guushii siyaasadda”. Ayuu yidhi Gudoomiyuhu, isagoo ka hadlayey wufuuda ku sugan deegaankaasi.
Gudoomiyuhu mar uu ka jawaabayey Su’aal nuxurkeedu ahaa waxa iska bedelay hadal uu hore ugu sheegay in qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada kaga jira Gobolka waxba lagala socod siint xaaladiisa, waxa uu yidhi:-“Markii horeba waxay taasi ahayd dhiiri gelin inay talada wax ku yeeshaan, sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha gobolka Sool, markaa imika meeshii wey tageen qolyahaasi, markaa wax way iska bedeleen wixii aan markii hore sheegaayay. Waxa jira 12 xubnood oo qeybtii ugu dambaysay ay maanta (shalay) ambabaxday, kuwo kalena wey ka sii horeeyeen, aniguna waxaan baxayaa Jimcaha soo socda haddii ilaahay yidhaahdo”.
Baashe Maxamed Cadde waxa uu sheegay in si dhakhso ah loo gudo-geli doono kulamo iyo shirar ay beeshada Gobolku kaga arrinayso aayo-ka talinta masiirkeeda.
Khadar H.Hussein
Golisnews Hargeysa JSL.



