Dagaal culus oo caawa ka qarxay xaafadda Ceeltubo Weyne ee degmada Yaaqshiid
Click here to find this article in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 05, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Dagaal culus ayaa caawa ka qarxay xaafadda Ceel Tubbo Weyne ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaan uu u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan.
Iska horimadkaan oo bilowday abaaro caawa 10:00 Pm ayaa ilaa iyo wali ka soconaya xaafadaha Ceel Tubo Weyne iyo silligga Towfiiq, iyadoo dagaalkaan la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana ka qeybqaadanaya gawaarida dagaalka.
Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen guri ku yaala xaafadda ceel Tubo Weyne ee degmada Yaaqshiid oo uu dagan yahay Cali beerre Caddoow oo ka mid ah Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banadir Sida uu ku soo waramay Cabdi Naasir Guuleed oo ka mid ah Shabakadda warbaahinta shabelle oo dagan xaafadda Ceel Tubbo weyne.
Lama oga wali wax qasaaro ah oo ka dhashay iska horimaadkaan.
Goobta uu dagaalku ka socdo ayaa waxaa dagan Maareeyaha dekedda Muqdisho, inkastoo wali aan la soo sheegin in ilaaladiisa ay qeyb ka tahay dagaalka.
Dagaalkaan oo ah mid aad u xoogan ayaa waxaa ku soo biiurey gawaari dagaal oo gurmad, ah waxaana rasaasta ay iminka ay u wareegtay dhinaca Siligga Towfiiq, sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.





