Shirweyne 2 Bilood Socday OO Bandiiradleey Lagu soo Gunaanaday 21 Qodob iyo 36 Guddiyo OO Lagu Go’aansaday.{Daawo Sawirada} by wariye Cabdlle.
Nov,16,2007 www.Hobyoradio.com
Degmada Bandiiradleey ayaa 11kii Bshaan waxaa lagu soo gunaanaday shirweyne ay ka qayb galeen oday dhaqameedyada jufooyinka deegaanka,Culumo awdiin,Ganacsato,Saraakiil ciidan iyo dhallinyaro ,kaas oo looga hadlay dhibaatooyinka deegaanka Gobolka Mudug ka jira ee ay ugu horraysay nabad galyo xumida ,maamul iyo kala dambayn la,aanta.
Shirweynahaan oo qaab dib u heshiisiin iyo khilaafyo xalin loo maray ayna wada jir u hoggaaminayeen Culumo awdiinka waawayn iyo Salaadiinta ayaa lagu go,aansaday in si buuxda wax looga qabto dhinaca nabad galyada iyo in dadweynaha ku safra waddada isku xirta Gaalkacyo ilaa Galliin soor oo dhirirkeedu dhan yahay 95 Km laga dulqaado dhibaatooyinkii ay kooxa hubaysani baadda kaga qaadi jireen muddada ka badan 2 sanadood.
Si loo fuliyo go,aamada la gaaray oo dhammaan 21 ayaa la sameeyay 36 xubnood oo isugu jira guddiyada Marjaca,Garsoorka Islaamka ,Amniga iyo Dhaqaalaha oo muddo 3 bilood ah si amar janso ah u shaqaynaya hoosna tagaya GuddoomiyahaGobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Gal Mudug.
Si go,aannadaasi loo meel mariyo gaar ahaan nabad galyada waddada isku xirta Gaalkacyo ilaa Galliin soor ayaa haatan waxaa waddadaasi si roonto ah ugu gaaf wareegaya ilaa 5 tagniko ah oo ay saran yihiin ilaa 60 ciidamo la soo xulay ah,Iyadoo ay dhinaca kalana socdaan shirar iyo kulamo kala duwan oo lagu meel marinayo go,aannadii lagu gaaray Bandiiradleey 11/11/200 Shirweyne soo biloowday 11/9/2007. ayaa xafladda lagu soo agunaanadayay waxaa ka hadlay culimo udiin, masu’uliyiin, wax garad, saraakiil, ganacsato,Abwaano, iyo qaybaha kala duwan ee ururada bulshada waxaa masuuliyiintii kahdashay ka mid ahaa Sheekh Cali Axmed iidle {sheikh cali Afyare},sheikh cabdi risaaq Macalin Saciid,Sheekh Mursal cilmi dhagood,Gudoomiyaha gobobolka Mudug ee Gal-Mudug State mudane Xasan faarax Barre,kusimaha madaxweyanaha Gal-Mudug Cabdi Zamad Nuur Guuleed, Gancsade Cabdi kariin sheekh Axmed,Gancsde ilkacase,G/Sare xabeeb,G/Dhexe Afgub, Abwaan Cali Deeq Maxamed Xaashi,Abwaan Axmed cismaan, iyo xubno kale oo dhamaantood soo dhaweeyay go’aanada wanaagsan ee ka soo baxay shirka mudada dheer loo fadhiayay ee ka socday deegaanka bandiiradley oo u muuqda ina laga gaaray guulo wanaagsan.
Waxaa xuisd mudan in goobta shirku uu ka oscday aysan ahayn guri,hotel, iyo meelihii waayadaan danbne loo bartay in shirarka lagu qabto ee goobta shirku ka socday ay ahayd geed Qurac ah hoostiis oo walib geedka loogu magic daray {SHINBIRAALE} Maadaama geedka uu ahaa mid aad ushinbira badan.
Abwaan cali deeq Max’d xaashi oo ka mid ahaa Abwaanda goobtaasi ka tiraiyay gabayga ayaa amaan deer usoo jeediayay dakii shirkaasi qabtay ee dhaqaalohooda ku belay gaar ahaan jufada reer cabdlle sacad oo lahaa gogosha shirweynihii guulaha laga gaaray, cali deeq waxa uu quraacaasi u tiriyay gabay gaar ah waxa uuna geedka shirku ka socday uu siiyay magaca ah QURAC IJAABO Qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka mudag ayaa soo dhaweeyay go’aamada ka soo baxay shirkaasi waxayna sheegeen in ay la shqaynayaan daka ka shaqaynaya hawlha amaanka lagu hagaajinayo.
Cabdalla Max’d cabdille
Hobyoradio,Galakcyo,
Gal-Mudug State of SOMalia,
http://www.hobyoradio.com/11,16,71Bandiiradleey.htm




