Cabdulahi Yusuf:- Awoodoodii Ciidan waanu wiiqnay, waxaa inoo haray inaan burburino tooda dhaqaale sida; Xawaaladaha, Isgaarsiinta, iyo Suuqyada.
(22-11-2007)Soomaalida Xalaasha ah ayaa aad ula socota u jeeddooyinkii uu ka lahaa hadalkii shalay ka soo yeeray haggaamiyaha kooxda mbagathi col. c/laahi yuusuf oo uu ku sheegay in xukuumadu iska qabato shirkadaha xawaaladaha, Isgaarsiinta iyo Suuqyada, inuu yahay mid loogu marmarsiyoonayo in hab qabiil loogu dhaco shirkadaha ka jira magaalada muqdisho asagoo kaalmeysanaya cadowga tigreega madow ee itoobiya, illeyn isagu awood uu leeyahay maahan waxa uu ku faanayee .
C/laahi yuusuf ayaa khudbadii uu shalay ka jeediyay magaalada baydhabo ayaa waxaa lagu tilmaamay mid dan gaar ah laga leeyahay oo larabo in dadka reer muqdisho lagu xaalifiyo laguna dhaco hantidooda asagoo u adeegsanaya dad sheegta in matalaan dadka reer muqdisho oo ah wax marato oo aanan u danqaneynin dadkooda diintooda iyo waliba dalkooda islamarkaana saxaafada ka sheega in ay ka naxayaan oo eey dareen gaar siinayaan dadka loo geysanayo dhaca iyo barakaca aan xaduuda laheyn .
Qabqable yuusuf ayaa ku dhawaaqay in la xasili doono magaalada muqdisho asagoo ku goodiyay in ninkii xabad rida shanta farood lagu qabandoono waa sida uu hadalka udhigaye waxuuna intaa ku daray in loo soo jeesandoono jubbooyinka amnigana dib loo soo celin doono col.c/laahi yuusuf ayaa sido kale ku calaacalay hadal daciifnimo ah oo ahaa wadaadadu waxa ay heystaan arimihii caafimaadka shirkadihii arimaha bulshada waxa uu isweydiiyay ma wadaadada aya dowlad ah mase anaga ayaa dowlad ah hadalkaan ayaa ah mid lagu kicinayo dad huwan shaar dowlad la rabana in lagu gumaado hantida taal magalada muqdisho .
Sikasta arintu ha noqotee waxey dadka naqdiya taarikhda c/laahi yuusuf axmed ay ku sheegayaan in uu yahay nin qabiil oo uu san shaqo ku laheyn in uu isku keeno dad laakiin uu ku caanbaxay kala fogeynta dadka walalaha ah waxaana mudan in la is weydiiyo kooxda ka daba socota meesha ay ku biyo shubandoonaan
Dalkanews.com Muqdisho






