Big deal,
What about Beesha Jareer Weyne who got practically nothing:
Wasiir kuxigeenkii arrimaha Diinta iyo Owqaafta oo ku biiray wasiirada iska casilay xilalkooda
Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo ahaa wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda arrimaha Diinta iyo Owqaafta kana soo jeeda beelaha Jareerweyne ayaa ku dhawaaqay isna daqiiqado ka hor inuu iska casilay xilkiisan wasiirnimo isla markaana uu istaqaaladiisa u gudbiyay ra’iisal Nuur Cadde
“Waxaan isku casilayaa in beesha Jareerweyne oo ah beelaha ugu wax soo saarka badan beelaha Soomaaliyeed uguna tirada badan isla markaana degta 9 gobol oo ka tirsan dalka Soomaaliya in la siiyay xubno aanan u qalmin” ayuu yiri Sheekh Jaamac oo intaasi ku daray in arrintani ay la ogyihiin waxgaradka, odayaasha, dhalinayrada iyo haweenka beesha Jareerweyne.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu taageersan yahay dowladda balse uu doonayo in la soxo wixii qalad ah “Walaalkeyga Nuur-cadde waxaan ka codsanayaa inuu soxo wixii qaladaad ah oo uusan ku adkeysan, beesha Jareerweynena kama fileyn inuu intaas u qoodneeyo” ayuu yiri ugu dambeyntiin.
Xalay ayay aheyd markii shir jaraa’id oo ay Baydhabo ku qabteen 4 wasiir oo ka tirsan xukuumada aan weli la ansixin ee ra’iisal wasaaer Nuur-cadde, iyadoo laga yaabo inay ku soo biiraan xubno cusub oo iyagunan saacadaha soo socda ku dhawaaqi doona is casilaadooda.
Xafiiska war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilecom@hotmail.com