thopia oo Somalia dhan ka xasuuqaysa dhanna qaxootinimo u qaabilaysa, (Warbixin xaqiiqada ku dhisan)
rayi
(09-12-2007)Waxaa dalka ethopia laga asaasay xeryo qoxoti oo aad u balaaran ayadoo xeryahaasna laga dhisay dhulka xuduud ahaan u soo xiga Soomaaliya magaalada lagu magacaabo Awbarre oo ah xadka ethopiya ay lawadaagto Somaliland gaar ahaan G/Awdal ee magaala maxadiisu ay tahay Borama oo katirsan gobalada Somaliland.
Waxaa xeryahaas la aas aasay November 2005 markaas oo aysan jirin dad qaxooti Somali ah oo soo barakacay dadka deegaankana ay la fajaceen sabata keentay in xeryo qaxooti oo baxaadaas leh laga dhiso dhulka Ethopia ayadoo markaa loo arkayay ujeedo kale madaama aan lagaranayn cida ku soo qixi doonto ama qoxooti ku noqondoonto.
Waxaa dhismaha xeryahaas qaxootiga howsheeda waday hayadaha UN-ka gaar ahaan UNHCR oo qandaraaska howshaas wadatay iyadoo marka laxan warsado dadka howlwadeenada ka ah ay kuu sheegayaan in waqti aan saas u fogayn ay dadbadan oo koofurta soomaliya kasoo barakacay lagu qaabili doono waxaa howsha culayskeeda lasoo gaba gabeyay sandkii tagay ee 2006 bishii August oo dalka soomaaliya intiisa badan ay ka talinayeen maxkamadihii islaamiga ahaa ayadoo xilgaas dalku kajirtay nabad aan horay loosoo arag waxaa shaki weyn laga qabay cida ku soo qixi doonta ayadoo maamulka soomaliland uu qudhiisa cabsida ay saamaysay madaama aan lagaranayn cida ku soo qixi doonta.
Waxaa dhacay 2006 bishii Desember in dalka ay ku soo duulaan quwadihii isgarabsanayay ee uu maraykanka iyo Ethopia hormuudka ka ahaayeen waxaa durbadiiba la howlgaliyay dhmaan xafiisyadii shaqo ee ay yeelan lahayd xeryahaas qaxootiga waxaa labilaabay in ladiwaan galiyo dadka kasoo qaxaya Somaliya gaar ahaa koofurta.
Waxaa mudo qaadatay in dadku ka warhelaan ama aaminaan in dowlada Ethopia ee xasuuqa ugaysanayso hadana ay qaxootigooda qaabisho waxaa markii dambe lagu guulaystay in dadkii laga dhaadhiciyo in xeryahaa loo diyaarshay qaxootiga somalia lagana sii dhoofin doono ayadaoo arinkaas loosoo marayo hayadaha gargaarka bixiya si shakiga looga saaro bulshada somaliya oo iyadu cadaawad xoogan kala dhaxayso Ethopiya waxaana arinkaas looga faa\'idaystay xernaashihii laxiray xadka Kenya oo had iyo jeer marka dhib dhaco ay dadku qaxooti ku noqonjireen waana arinta riixday in dowlada Kenya ay dadkii ku firxaday dalkeeda ayagoo lugaha iyo gacmaha kaxiran indhuhuna kaduuban yihiin laga soo musaafiriyay dalkeeda gacanta loo galiyay cadawga umada somaliyeed si dadku maciin u bidaan Ethopia oo qaxooti ugu noqdaan si aan cadaawada usii kordin oo loo muujiyo in dad somaali ah oo qaxooti ahaan ethopia loogu quudiyo.
Arintaan ayaa waxay qayb katahay gumaysiga casriga ah ee dalku ku jiro Ehtopia ookaliya maahan waxa gumaysi doonka ah ee waa dalal badan oo ku bahoobay in islaamka lawiiqo hada waxaa gudaha dowlada aan cadawganahay ku nool dadbadan oo qaxooti ah oo tiradoodu gaarayso inkabadan ilaa 10,000 oo qof aydoo uu wali socdo qulqulka dadka doonaya in ay qaxooti ku noqdaan cadawgii soo bara kiciyay madaama ayasan jirin meelkale oo loo diyaarshay qaxootiga soomaliya waxaana lasoo weeciyay dhamaan dhaqaalihii loogu tala galay in lagu qaabilo qaxootiga somalida ee tagi lahaa Kenya Ugandha Tansania Djabuuti ayadoo gabi ahaanba lajoojiyay in xeryo aan kuwaan ahayn laga furo dalalka kale ee somaliya dariska la ah.
Waxaan la kulmay C/qani Macalin fariid oo ka mid ahaa dakii Xamar kasoo qaxay ee xeryahas tagay si loo diwaan galiyo asaga iyo qoyskiisa waxuu meesha kula kulmay masuul katirsan hayada UN-ta oo ay horay macriifo fog u ahaayeen kaas oo kulataliyay in uu meesha iskaga laabto asagoo kuladooday in dadkii qaxootiga aah ee meesha laga diwaangaliyay la dhoofiyay ayadoo loo cadeeyay dadkaas in aysan aheen kuwii kasoo qaxay xamar lakiin ay yihiin kuwo lagasoo badalay xeryaha qaxootiga ee Kenya si dadka laablakac loogu sameeyo dadka laqaadana ay tira ahaan ahayeen 34 oo horay xeryaha Kenya qaxooti ugu ahaa mudo 14sano ah.
Waxaa kale oon waydiiyay qaabka loo qaabilayo dadka asagoo ii sheegay in dadka lawaydiinayo in ay yihiin dadkii xamar kasoo barakacay iyo in qabiil ahaan ay yihiin Hawiye gaar ahaan sadaxdan lafood Habargidir,Abgaal iyo Murusade hadii aad shuruudahaas buuxiso dadgdag baa laguu qaabilayaa sidaas ayuu yiri Mr C/qani Maclin Fariid asgo meesha kasaaray in garaan fiican lagu qaato iyo qaxootiga ay kamidyihiin somalida kilirka shanaad ee dagaaladu afeeyeen hadalkiisana waxaa kamida ahaa in hadii Sonalida kilirkashanaad meesha lgu arko xarig ama dil loo gaysanayo madaama howlwadeeda ay u badanyihiin Ethopian.
Hadaba dadweynoow waa in aad ka digtoonaataan dilka dahsoon ee la idiin qorsheeyay maxaa yeelay waxaa dhab ah in ninkii hooyooyinkeen asayda usaaray ubadkii somalidana agooteeyay in uusan in dhaqaalayneen ee ka foojignaada wax yaabaha qayaaliga ah.
Dalkanews.com



