Dec 17,2007
by Luuq-GEDO-NN
Tartan u dhexeeya kooxaha kubadda cagta ee degmada Luuq ee gobalka GEDO oo ka kooban 13 kooxood ayaa lagu soo gabagabeeyey magaaladaasi. Tartarnka ayaa waxaa soo qabanqaabisay hayadda ASEP oo maxaliga ah, kana mid ah hayadaha ka shaqeeyo gobalka Gedo.
Hayadaas oo ku caanbaxday la shaqaynta bulshada rayadka dhinacayada horumarinta, gargaarka, nabadeeynta iyo xiriirka wadamada dariska. Xaflad balaaran oo loo qabtay wareejinta koobkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan maamulka dagmada Luuq, odayaasha iyo cayaartooyda , dhalinyarada iyo dadwayno badan iyo waliba gudiga isboortiga dagmada Luuq.
Koobkan ayaa waxaa gudoonsiiyay ciyaartooyda dagmada Luuq wakiilka ASEP Cabdinasir Sh Maxamuud (Neero) Koobkaan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay helaan ayadoo ay aad ugu faraxsanaayeen ee gobalka GEDO. Waxaa meeshas si gaar ah uga hadlay Abdi Axmed Caabi (Abdigireed) oo ah dhalinyaradii ka waynaatay isboortiga, isagoo sheegay in ay ciyaaruhu yihiin sifaynta maskaxda dhalinyarada iyo isdhexgalka bulshada oo loona baahan yahay in lagu dhiirigaliyo dhalinyarada.
Waxaa kaloo si gooni gooni ah uga hadlay gudiga isboortiga waxaana markii ugu horeeysayba ka hadlay gudoomiyha gudiga isboortiga Axmed Siraad Dugsiiye isagoo u mahad celiyay hayada Asep. Waxaa kaloo halkaas ka hadlay labada kuxigeen ee xagga isboortiga Xassan Cabdi Ciilmooge iyo Muumin Maxamed Barre oo si weyn u taageray hirgelinta iyo saro u qaadida isboortiga gobalka, gaar ahaanna degmada Luuq.
Kooxa degmada Luuq ayaa waxay kala yihiin:1) Black Star 2) Bisha cas 3)Rooma 4)Happboys 5)Health 6)Peaceboys 7)Elman



