Postby new-york23 » Tue Dec 25, 2007 2:41 am
Dagaal ka dhacey Jigjiga korkeeda iyo JWXO oo Jeexdin qabsatey
Dec 24, 2007 Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya inay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) weerar ballaadhan ku ekaysay goobta shidaalka laga qodi jiray ee Jeexdin halkaas ooy daganaayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan Milatariga Itoobiya.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jabhadu qabsatay goobtii dagaalku ka dhacey, iyagaoo halkaas ku qabsaadey saanad Milatari oo badan. Dagaalkan ayaa dhacey dabayaaqada todobaadkii hore.
Sanadkii 1998 ayay ahayd markii ay shirkad Shiinaha laga leeyahay oo shidaalka qodi jirtayi iskaga huleeshay ceelka Jeexdin kadib markii uu kaga dhintay hal Injineer.
Bishii April ee sanadkan 2007 ayay JWXO weerar kan oo kale ku ekaysay goob Shiinuhu ka baadhayay shidaal oo ku taalay tuulada Cobole oo u dhow Dhagaxbuur, waxayna halkaas ku dileen ciidan aad u tiro badan oo ka tirsanaa milatariga Itoobiya iyo 9 Shiine ah oo ah kuwii ka shaqaynayay goobta shidaal qodista.
Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya Seyum Mesfin ayaa waraysi uu siiyey Wakaalada wararka AFP ee wadanka Faransiiska kasoo baxada todobaadkii hore ku sheegay in ONLF dagaal ku wado xeryaha Ciidamada Itoobiya iyo goobaha Shidaalka ay Itoobiya ka qodato.
Hadalka ka soo yeedhay Seyum Mesfin ayaa ah qirasho uu qiranayo daagaalka JWXO ku hayso Ciidamada Itoobiya.
Dhinaca kale, bishan Dec 21 ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada wadaniga Xoreynta Ogadeniya dagaal ku qaadeen Kubcad oo ku taala duleedka Magaalada Jigjiga, halkaas oo khasaare lixaad leh loogu geystey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, inkasta oo aanan weli helin faah-faahinta dagaalkaas.