26. Dunjiga habarjeclaan lahaa way diidin xumahaane
27. Darisnimo darteed bay malaha damin colaadaane
28. Iyagaaba doobinahayoo soo dagaal galaye
29. Duli Bay horseedeen markay xidid kood dooxeene
30. dakanaday bineeyeena way helin dabaakhdeede
31 Dugsi baa lahaystaye hadaan dhaxan la duu duumin
32. Daaraha burcaad jeer hadaan duurka laga meerin
33. Dabaqyadii hargaysiyo barbara dowladu imaanin
34. Damaashaad hadaanaan ku qaban duhur dharaareeda



