Gedo:Xildhibaan Barre Hiiraale oo gaaray degmada Baardheere ee gobolka gedo
[2008-03-11 16:00:25] Waxaa goor dhow gaaray degmada baardheere ee gobolka gedo wafdi uu hogaaminayo xildhibaan Barre Hiiree ayadoo uu wafdigaas kamid yahay xildhibaan Axmed warsame maxamed iyo xubno kale.
Wafdigaan oo uu hogaaminayo xildhibaan Barre aadan shire (hiiraale)maantana ka soo ambabaxay magaalada baydhabo ee xarunta gobolk Bay ayaa waxaa ay gaareen magaalda bardheere ayadoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen boqolaal dawaynaha oo u xiisa qaba imaantinka xildhibaanadaan oo in mudo ah ku sugnaa xarunta baarlamaanka soomaliya ee baydhabo,wafdiga xildhibaan barre aadan shire ayaa magaalada waxa ay ka dageen deeganka Muuri oo ah saldhiga Hiirale.
Intii aysan soo gaarin magaalada ayaa waxaa ka hortagay boqolaal qof iyo gaadiidka dagaalka oo uu leeyahay xildhibaan Hiiraale kuwaas oo kaga hortagay meel baardheere u jirta ilaa 50km ayadoo sidoo kalana ay halkaas ku soo dhaweeyeen xubnaha maamulka degmada baardheere,lama oga waxa uu la xiriiro safarka wafdiga uu horkacayo xildhiban Barre adan shire hiiraale oo socdaal aan horay looshaacin ku tagay baardheere,lama oga in wafdigaas uu kismayo soo gaari doono laakiin warar hoosaadyo ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmaha soo socda uu xildhibaanku kismaayo imaan doono.
bartamihii sanadkii tagay ee 2007 ayay ahayd markii ay miino nooca dhulka lagu aaso ah ay la kacday gari uu saarnaa xildhibaan barre hiiraale oo marayey meel u dhaxaysa magaalada baardheere iyo deegaanka Muuri tas oo sababtay geerida darwalkii wafay gaarigaas ayadoo sidoo kalana uu dhaawac dhanka isha ah uu ka soo gaaray Col.barre hiiraale ayadoo sababo laxiriira dhaawacaasna uu u gaaray wadamo ka tirsan dalalka yurub iyo wadanka Ethopia
http://www.allwariye.com/actiontools/ge ... php?id=432




