INNA LILLAH WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
Allgedo iyo akhristayaasheeda meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxay tacsi tiiraanyo leh u u dirayaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sheekh Daahir Sheikh Cali Axmed Soofe oo Bishan April 11, 2008 ku geeriyooday Degmada Baardheere. Sheikh Daahir wuxuu ku dhashay Beerta Lacdhe oo ah meesha iminka ay ku taal Degmada Buurdhuubo sanadkii 1928dii.
Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Baardheere ku dhintay Sheekh Daahir Sheikh Cali Axmed Soofe. Akhri tacsida heekha...
Allaha u naxariistee Shiikhu wuxuu ahaan jiray macallin Qur'aanka iyo Axkaamta shareecada Islaamka baray dad badan. Wuxuu muddo kooban horaantii 1990+ Garsoore ka ahaa Maxakamadda Shareecada Islaamka ee Degmada Baardheere. Wuxuu dunida uga tagay 40 qof oo isugu jira dadkuu dhalay iyo ubadkay sii dhaleen. Waxaa si gaar ah tacsida loogu dirayaa dhammaan ilmo Sheekh Dahir, Sheekh Xassan Cali Axmed Soofe, Sheekh Maxamud Cali Axmed Soofe iyo dhammaan Reer Sheekh Axmed Soofe. Rabbi Janaddii Firdowsa ha geeyo Sheekha ehelkii uu ka tagayna sammir iyo aammiin haka siiyo. Aamiin.
Maamulka Allgedo Online




