Muqdisho:- Madaxwaynaha Maamul Gobleedka Maakhir Jibriil Cali Salaad ayaa waxa uu gaadhay magaalada Muqdisho, caasimada Dalka Somalia halkaasi oo loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde Airport, waxa soo dhaweeyay masuulkaasi masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada ku meel gaarka ah.
Madaxwayne Jibriil Cali Salaad ayaa waxa la soo sheegayaa inuu isla markiiba kulamo goono gooni ah la qaatay xubnaha Baarlamaanka ee reer Maakhir iyo waliba wasiirada Dowlada ku meel gaarka ah qaar ka mid ah, walaw aan la sheegin arimaha ay isla soo qaadeen.
Waxa la filayaa inuu dhawaan la kulmo Madaxwayne C/laahi Yuusuf iyo Raisal wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen iyaga oo isla gurfayn doona arimo badan oo ka dhexeeya DFS iyo Maamul Goboleedka Maakhir iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka maamul goboleedka iyo Dowlada ku meel gaarka ah.
Madaxwayne jibriil Cali Salaad ayaa Safarkiisani waxa uu ahaa mid aan hore loo shaacin waxaana la sheegay inuu casumaad ka helay masuuliyiinta sar sare ee xukuumada wadanka Soomaaliya taasi oo ku aadan hanaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Maakhir State.
Jibriil Cali salaad ayaa waxaa la filayaa inuu warfidiyeenada dhowaan uu kula hadli doono magaalada Muqdisho isagoo ka warbixin doonaha qorshaha maamul goboleedka Maakhir iyo baahida keentey in maamulkaas dhidibada loo istaajiyo.
LaasqorayNet/Muqdisho
MADAXWAYNE JIBRII CALI SALAAD -MUQDISHO
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- neocon_2007
- SomaliNet Super

- Posts: 6154
- Joined: Wed Mar 07, 2007 12:37 pm
- Location: Raiding Garowe...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 8066 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 1 Replies
- 1572 Views
-
Last post by Publicopinion
-
- 6 Replies
- 1923 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 51 Replies
- 6188 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 0 Replies
- 1367 Views
-
Last post by COSTA
-
- 5 Replies
- 1685 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 3 Replies
- 1430 Views
-
Last post by DEMOLITION MAN
-
- 45 Replies
- 7296 Views
-
Last post by waryaa
-
- 1 Replies
- 1290 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 4 Replies
- 1170 Views
-
Last post by BigBreak