Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Postby abgaalKING » Tue Jul 08, 2008 11:33 pm

Degmada Cadale waxey ka mid tahay Degmooyinka ugu taariikhda dheer Soomaliya . waxeyna ku taalaa xeebta badweynta Hindiya meel Xamar u jirto boqol iyo kontan kiilometer uguna aadan qorax soobaxa. Degmadaas waxaa lagu yaqaan markii aad u dhawaato inaad arkeysid geedo dheedheer oo ah nooca cawbaarka loo yaqaano oo degaankaasu caan ku yahay.
Dalxiiska iyo degmada Cadale

Degmada Cadale waa mid aad ugu fiican dhinaca dalxiiska waxeyna leedahay xeeb aad u dheer,u quruxbadan isla markaasna aan wasaqeysneyn waxey leedahay furddo dabiici ah oo arkeysid markii aad takto jid dheer oo carro ah oo baddaa dhex gelaayo ilaa hal kiilomitir iyo nus oo haddii aad qaadid baddu reedahaaga socoto, waxey kale oo leedahay meelo aad waadiyo u qabtid oo badda ka go'an dadkuna ku dabaalo karaan iyagoon la kulmin wax khatar ah,meeshaas baddu cawadii ey biyaha ku shubtaa maalintiina waa ka naqataa sidaas daraadeed maalinwalbo biyo cusub aa meesha soo galo.
Taariikhda degmada Cadale

Degmada Cadale qarniyadii lasoo dhaafay waxey ka mid eheed furdooyinka ey dadka Soomaalida ah wax uga soo degijireen kuwaas oo kakala imaajiray wadamada Carabta iyo kuwa Afrikada Bari, waxaana laga rarijiray waxyaalaha ey wadamadaas u baahanyihiin sida xoolaha malaayga iwm.Badda Cadale waxaa laga helaa noocyo badan oo malaay ah oo weliba si dhibyar aad ku soo dabo kartid.dhica berriga geed gaab waxaana soomaalidu u taqaanaa deex. Waxaad meeshaas ku arkeysaa meel xoogaa tilaabo ah u jirto xeebta iney joogaan xoola duurta dadku ugaarsaso oo noocyo badan leh. Dadka deegaankaas ku dhaqan waxey kala yihiin xoolo dhaqato iyo malaay gadato. Xoolaha ey dadkaasu dhaqdaan waxey isugu jiraan: Geel, Lo' iyo Iri, Iriga oo u kala baxo Iricad iyo Ido, waxowna degaankaasu caan ku yahay dhaqashada Idaha oo markii qof marti ah ow tago lagu martiqaado wan jar ah taasoo micnaheedu tahay wan aad u cayilan, dhinaca kale waxey Soomaalidu ku maahmaahdaa "lax iyo laxaw meel islama galaan" laxdaas aad maqashay waa midda ku dhaqan deegaankaa ee daaqdo cowska gumxirka loo yaqaano ee degmadaas iyo ruumanka ku yaalo ey caanka ku yihiin.Dhinaca kale gumeysigii talyaaniga waxow qabsashadii degmadaas kala kulmay halgan dheer oo dadkii degaankaasu lagaleen, makii dambe oo ow qabsadayna waxow u bixiyay magaca ah Italo oo ow kaweday Itaaliyadii yareed taasoo ku timid markii ow layaabay quruxda degmadaas.Kedib xurnimadii degmadaasu wexey kamid naqatay degmooyinkii la ilaabay ahmiyadii eylahaayeen
Abaartii dabadheer iyo degmada Cadale

User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Re: taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Postby abgaalKING » Tue Jul 08, 2008 11:34 pm

Wakhtigii xukunkii M.Siyaad waxey kamid naqatay Degmooyinkii loogu talagalay in ladejiyo dadkii ku ceyroobay abaartii daba dheer ee gobolada dhexe qabsatay sannadkii 1975. Waxaana meeshaas cadale ladejiyay qoysas asalkoodi hore ahaa xoolo dhaqato oo ku tabaaloobay abaartii loona jiheeyey inay kaluumeysato noqdaan. Waxaan xasuustaa in mar aan kamid ahaay wafdi kormeer ahaay oo kasocday xisbiga iyo ururada bulshada ee degaankaas loo diray si ey u soo hubiyaan howlaha kaluumeysatada aa waxaa qado sharaf noo suubiyay guddigii dan wadaagta oo wxaaa meeshaas lakeenay hilib aad u badan oo ido kali ah, markaasaa madaxii wafdiga yiray martiqaadka waxaan u maleyheynay in ow malaay naqdee maxey tahay cadiintaan, waxaa u jawaabay madaxii danwadaagta oo dhahay "waa ku fiicneed hase ahaatee waxaa najiitay dhaqanka dadka deegaanka oo ah in qokii Cadale lagu marti qaado oon ido cadiintood la siin ow lamid yahay qof aad lamartiqaadin.

User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Re: taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Postby abgaalKING » Tue Jul 08, 2008 11:37 pm

DHAQDHAQAAQA DHAQAALE
Kedib xirmadii furdada Xamar Cadale wexey ku soo naqatay furdo ahaanteedii waxaana kasoo degijiray badeecooyinka ka kakala yimaado wadamada Carabta, Jabuuti, Afrikada Bari iyo kuwa kaleba, waxaana laga dirijiray waxyaalaha banaanka loo diraayay sida malaayga,xoolaha iwm.Cadale waa degaan aad ahmiyad uguleh dhinaca dhaqaalaha, bulshada.

User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Re: taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Postby abgaalKING » Tue Jul 08, 2008 11:42 pm

Cadale ka hor intii aan la aasaasin waxay ahayd goob ay ku yaalaan teendhooyin yar yar oo ay leeyihiin dadka Kalluumeysato ah oo ka shaqeysan jiray Xeebaha ku dhow dhow degmada Cadale.Cadale waxay caasimad u ahaan jirtay dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow maadaama ay ahayd magaalo weyn tan iyaga ugu dhow.

User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Re: taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Postby abgaalKING » Tue Jul 08, 2008 11:43 pm

Sanadkii 1307 ee Hijriyada ayaa waxaa deegaanadaas ciidamadii Talyaaniga ee gumeystaha kula dagaalamay dadka deegaanka, inkastoo haddana jabhad halkaas laga aas aasay oo ka horjeedday Talyaaniga aysan muddo dheer shaqeyn oo ay mar dambe burburtay.Degmada Cadale waxay horey u ahaan jirtay magaalo ay deggan yihiin waddaado fara badan, iyadoo ka mid ah magaalooyinkii ugu masaajidyada badnaa xilliyadii hore.

User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Re: taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Postby abgaalKING » Tue Jul 08, 2008 11:44 pm

Dadka deegaankaasi deganaan jiray waxaa ka mid ahaa Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), wuxuuna Sheekhaasi ahaa wadaad aad uga soo horjeeday imaanshihii Talyaaniga ee dalka Soomaaliya, wuxuuna isku dayey in uu si awood ah uga hortago gumeystihii Talyaaniga.
Sheekh Axmed Wacdiyow oo reer Cadale ahaa waxaa jira Gabayo fara badan oo uu ka tiriyey gumeystihii Talyaaniga iyo sida uu uga soo horjeedday, waxaana ka mid ahaa gabayadiisii:
Soomaaliyaan u dagaalamaynaa,


dalkeena ballaaran u daafacaynaa,


kuwa dulmaaya la dood galaynaa,


dabeylka mowdku intuu I daadihin,


hilibka duud cunin deebna uu noqon,


duruyadaada dab looma aasee


, kuwa dambaan u dariiq falaynaa,


kufriga soo dagay diidda leenahay

User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Re: taariikhda degmada cadale ee gobolka sh/dhexe

Postby abgaalKING » Tue Jul 08, 2008 11:48 pm

Image


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Shabeelada Dhexe”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest