Taliyaha ciidamada daraawiishta waqooyiga Galgaduud Col.Isaaq Maxamed Warsame (Isaaq dheere oo shabkada Gelinsoor ay wareesatay
Col. Isaaq maxamed warsame (isaaq dheere) oo u waramay shabakada Gelinsoor ayaa sheegay in ay wadaan howl maamul loogu sameeynayo waqooyiga Galgaduud kaasi oo wax ka qaban doona dhinacyo badan. isaaq dheere wuxuu sheegay in ay hada diyaariyeen ciidamo daraawiish ah oo uu sheegay in ay yihiih kuwa suagaya amniga waqiiyiga Galgaduud, hadana ay ku jiraan sidii loo sameeyn lahaa sadex gudi oo kala ah gudiga dhaqaalaha, gudiga amniga iyo gudiga garsoorka.
Isaaq dheere wuxuu sheegay in sadexda cisho ee soo socota ay hirgalin doonaan gudiyadaas oo ay wadeen maalmihii ugu danbeeyey dhismihiisa, islamarkaana hada ay gabo gabo u marayso howshaan maamulka loogu samyanayo waqooyiga galgaduud.
Maamulkaan ayaa sida uu sheegay isaaq dheere laga hirgalin doonaa deegaanada ka yaala waqooyiga Galgaduud islamarkaana uu ka shaqayn doonaa deegaanadaas, Si kastaba ha ahaatee taliyaha ciidanka daraawiishta.
Col. isaaq dheere howshaan in ay wadaan isaga iyo qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka iyo maamulada hada ka jira deegaanka ee ah kuwa madaniga ah ayna howsha ka qayb qaadan sidoo kale dhalinyaro.
Bashiir Yuusuf Nadaara
- Gelinsoor News Agency - Xafiiska Wararka ee Muqdisho
http://gelinsoor.com/July_2008/July_09_2008_1.htm





