Nin Oromo ah oo Sumeeyay Shaqaale ay ka wada Shaqayn jireen Beer Ku taala Tuulada Geed-balaadh ee Gobolka Gabiley
Gabiley:-Nin magciisa la yidhaa Cabdi muuse khadiir oo ka soo jeeda qoomiyada oromada ee dalka ethopia ayaa sakaa sumeeyay shaqaale ay beer ka wada shaqayn jireen.
ninkan oo beerta laga eryay mudo ka hor ayaa shaqaalihii ku hadhay beerta Saaka qureecdii Ugu soo walaaqay sunta loo yaqaano boodhaha ee cayayaanka lagaga dilo beeraha.
Waxaa isla goobtaasi ku naf waayay laba nin oo magacyadooda laka yidhaa:-
Maxamed aadan
axmed maxamed
oo mid ka mid ahi soomaali ahaa ka kalena oromo
halka ay seddex kalena sakaarad ku yihiin cusbitaalka Gabiley
ninkaasi oo laga soo qabtay agagaarka tuulada Geed balaad ee ka tirsan degmada wajaale ee gobolka gabiley ayaa lagu soo xidhay saldhiga booliska magaalada gabiley.
dadwaynaha magaalada gabiley ayaa ilaa maanta ku xoonsanaa cusbitaalka oo lakeenay ragii maydka ahaa iyo ragii kale ee dhaawaca ahaa oo suntii ka soo bukaacayso marka aad udhawaato.
alle ha unaxariistee waxaa caawa lagu aasi doonaa labadii nin ee maydka ahaa magaalada gabiley
wixii ka soo kordha warkaasi waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.
gabileynews
Gabiley




