Postby Addoow » Mon Aug 25, 2008 3:44 am
Dagaalkii shalay markii uu dhamaaday ayaa waxaa magaalada dhexdeeda isgu soo baxay shacabkii magaalada Kismaayo oo dhibaato an la qiyaasi karin ku jiray 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaase dadkaas qaarkiis oo aan la yeelanay xog-waraysi ay noo sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in magaalada laga saaro Maleeshiyadii Barre Hiiraale, kuwaas oo ay ku sheegeen kuwa aan arxan islaanimo aan lahayn caadana ka dhigtay in dhacan waxkasta oo ay hanti u ahaa dadkii gobolkan ka soo jeeday.
Habeenkii xalay ahaa ayaa magaalada waxaa ka jiray bandow lagu xaqiijinayey nabadgelyada magaalada, waxaana saaka aroortii dadku ay ku soo waaberiisteen nabadgelyo wanaagsan, iyadoo dadku ay si nabadgelyo ah ay uga adeeganayaan suuqyada magaalada.
Ciidamadii uu Bare Hiiraale watay ayaa waxaa isla shalay galab waxaa ku baxay Ciidamo ka tirsan kuwa iskaashanaya ee Wadaada iyo dadka deegaanka, kuwaas oo ku soo furtay jidkii uu ku baxsaday Barre Hiiraale 3 baabuur oo tekniko ah.
Sikastaba, waxaa shacabka ku nool deegaanka Waamo ayaa maanta waxay isugu marxabaynayaan nabadgelyada ka dhalatay magaalada Kismaayo oo ay waqtigan ku tilmaameen mid aad la isgu halayn karo.