Wada-tash Aad U Sareeya Oo Beesha Sade uga Socda Magaalda Garbohaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo.
Garbohaareey: 29 Agost 2008. Wajigii hore ee wada tashi aad loo soo agaasimay ayaa maanta ka furmay magaalda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. wadaxaajoodkan oo ku aadan colaada cusub ee ka aloosantay gobolada Jubooyinka ayaa waxaa si weyn u abaabulaya duqayda dhaqanka beesha Sade iyo maamulka gobolka Gedo. Map of Somalia
Wajiga labaad ee wada xaajoodkan oo lagu wado inay isugu yimaadan dhamaan xog-haye yaasha degmooyinka gobolka ayaa xooga ka sii socon doona magaalada Garbahaarey. Waxayna xuseen dadka arrintan aadka ula socdaa inuu yahay wada xaajoodkani mid lagu qaadan doono go'aamo kama danbays ah oo ku wajahan aayaha gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Xubnaha maamulka, saraakiisha ciidanka, iyo hogaanka beesha ee dhaqan iyo siyaasadeed ayaa u midaysan hal aragtiyana ka qaba qaabka loo wajahayo colaadaha gobolada Jubooyinka. Waxaa ay dhamaan si cad u canbaareeyeen dulmiga iyo dhagarta ay gaysteen Gaa-hssn Buurta qabsatay magaalda Kismaayo. Ayagoo isla mar ahaantaana si buuxda uga tashanaya go'aamadii iyo ficiladii ay ka qaadi lahaayeen ka beel ahaan.
Ayadoon meesha laga saarin qaabka dhacdii Kismaayo ayaa hadana hogaanka beeshu aanu marnaba muujinin colayto gooni ah, aar-goosi aysana cid si gooni ah farta ugu fiiqin, basle waxay muujiyeen in ay tahay midaan dulqaad dambe mudnayn in beesha Sade had iyo jeer dulmigeeda beelaha kale ku heshiiyaan. Waxaa tusaale loo soo qaatay heshiiskii Jabuuti ee beesha lagu magacaabay "HARAADIGA" laguna heshiiya in la cirib tiro lagana saaro dalka. Waxaa sidoo kale la soo qaatay dulmigii USC ayadoo sidoo kale la xusay weearkii midowga Maxkamada ee hada kahor ay kismaayo ku qabsadeen iyo XASUUQII CISBITAALAK BU'AALE.
Xubnaha wada tashiga ayaa si weyn u muujiyay baahida loo qabo in siyaasad cad iyo qorshe laguma xad-gudbaan ah lagula dhaqmo beelaha dariska la ah ama la dagan deegaanda Beesha Sade. Aydoo dad badani qabaan in dib loogu noqdo heshiisyadii 1995 ee lala galay beelaha dariskaa sida Habargidir iyo Digil iyo Mirifle, waan meesha la soo dhigo ayay qabaan xad-gudubyada loo gaystay heshiisyadaas ayna noqdaan kuwo lagula xisaabtamo beelaha ay qusayso.
Waxda xaajoodkan oo wajiyo badan leh ayaa hadana waxaa ugu muhiimsan ee laga doonayo ama xubnaha qaar xooga saarayaan ay tahay dib-u habayta iyo midaynta xooga ciidan ee beesha, taaso meesha ka saaraysa in xad-gudub danbe lagula koco deegaanda beesha Sade.
Wixii war ah ee kasoo kordha wada xaajoodka garbahaarey dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.
bahda Jubanet..
http://www.jubanet.com/Garbaharey.htm