Cabdalla Sudan Xubin Sare Oo Al-Qacidada Geeska Afrika Kamid Ahaa Ayaa Loo Badinayaa Inuu Ku Dintay Dagaaladii Kismaayo
JN. 4 September, 2008. Cabdalla Al-Sudaani oo ah hogaamiye sarre oo la aamisan yahay in uu ka tirsanaa dad ay Mareykanku raadiyaan kana mid ahaa Al-Qaacida ayaa lugu dilay dalka Soomaaliya gaar ahaan dagaaladii ka dhacay Kismayo , sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada xeebta ah ee kismaayo.
Cajal dhawaan uu soo diray Saalax Cali Saalax oo la rumeysan yahay in uu yahay Hogaamiyaha Al-Qaacida ee Bariga Africa ayaa lugu shaaciyey warkan laakin uu san sheegin isagu halka uu ku geeriyoodey, wuxuuna sheegay in Hogaamiye Al-Suudaani la dilay balse uu ka gaabsadey in uu ku geeriyoodey dagaaladii dhexmarey Maleeshiyooyinkii Bare Aadan Shire (Hiiraale) iyo Urrurka al- shabab iyo maxkamadaha oo isgarabsanaya.
Dilkan loo geystey xubintan sare ee ka tirsaneyd Ururka Al-Qeada ayaa waxaa xaqijiyey Saalax Cali Saalax oo ah Hogaamiyaha Al-Qaeda ee Bariga Afrika inkastoo uu san carab baabin sababta uu geeriyoodey.
Dhanka Kale waxaa geerida AL-sudaani ii xaqijiyey dadku sugan Magalada Kismayo waxayna sheegeen dhawac ka soo gaadhay dagaaladii dhacay kismayo uu u geeriyoodey Cabdalla al-sudaani.
Warar lagu kalsonaan karo ayaa waxay sheegayaan in magaalada kismaayo ayna xaaladeedu wanaagsaneyn ka dib markii ay hadallo hanjabaad iyo cagojugleyn ah kaga yimadeen dhanka dawladda ku meel gaarka ah iyo Maleeshiyooyin kii laga saarey magaalada oo abaabul dagaaal aka wada gobolka gedo sida ay sheegeena laga yaabo in si deg deg ah dagaal ugu soo qadaan dagaalkaas oo laga yaabo in uu sababo barakac iyo waxyeelo badan oo soo gaadha dadka shacabka ah ee lagu dhex hardamayo.
waxii war ah ee ka soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.
Mohamed Abdi
Jubanet.com
http://jubanet.com/Sudani.htm